Kaddib markii June 30, 2012 shir looga hadlayay maamul goboleed ay yeeshaan gobolada Jubbooyinka iyo Gedo lagu soo gebo-gabeeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxaa arrintaas hadda ka hor fekerkiisa uga dhiibtay Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo shirkii Nairobi ka dhacay iyo kuwo kale oo dibadaha lagu qabtay laguna soo dhoo-dhoobay maamul ku sheegyo ku tilmaamay in ay yihiin kuwo aanay waxba ka jirin, balse waxa kaliya ee laga dhaxlay ay yihiin lugooyo iyo waqti lumis.
Sidoo kale, mar ay maanta Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden iyo Xildhibaan Cali Xasan Deer oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya shabakadda AOL wax ka weydiisay qorshahahooda ku wajahan maamul u sameynta gobalada Jubbooyinka iyo Gedo ayaa waxay yiraahdeen “Farsamada ugu haboon ee maamul goboleedka Jubbaland lagu yagleeli karo ayaa sida aan u aragno ah, in gogosha arrintaas looga arrinsanayo la dhigo gudaha gobolada maamulka loo sameynayo, kaddibna aqoon yahanada, odayaasha iyo waxgaradka goboladaas kasoo jeeda la siiyo fursad ay uga doodayaan in ay rabaan in ay maamul gaar ah u sameystaan Saddexda gobol ee kala ah: Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo iyo in ay rabaan in ay la midoobaan saddexda gobol ee kale ee Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose.”
Dhanka kale, waxaa jira warar hore oo sheegayay in uu Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden si weyn uga soo horjeedo qorshaha la rabo in maamul goboleed loogu sameeyo gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo, balse taas badalkeeda uu aaminsan yahay inuu ahaado maamulka Jubbooyinka looga dhawaaqi doono mid ay ku midoobayaan lixda gobol ee kala ah: Gedo, Bay, Bakool, Shabelada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Haddaba, mar ay AOL Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden arrintaas wax ka weydiisay ayaa waxuu ku jawaabay “Anigu qof ahaan waxaan aaminsanahay in talada maamul u sameynta Jubbaland State ay ka go’do oo kaliya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan goboladaas, sidaas awgeedna talaabo kasta oo la qaadayo ay haboon tahay in ay ugu horeyso in gobosha maamul goboleedka lagu yagleelayo la dhigo gudaha dalka, isla markana ay bulshada Soomaaliyeed ee deegaanadaas ku dhaqan ayaga go’aan ka gaaraan qaabkii ay maamulkaas u dhisan lahaayeen.”
“Feker kasta oo aan kaas aheyn ee la rabo in lagu dhiso maamul goboleedka “JUBBALAND STATE” ayaa waxaan rumeysnahay inuu ku danbeyn doono fashil iyo sii kala fogeyn bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada la rabo in maamulka loo sameeyo” ayuu Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden hadalkiisa kusoo gebo-gebeeyay.
Dadka sida weyn ugu ololeynayo in gogosha lagu dhisayo maamul goboleedka Jubbaland State la dhigo gudaha dalka Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada la rabo in maamulka loo sameeyo ayaa waxaa ka mid ah: Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden, Xildhibaan Cali Xasan Deer, Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil, Sheekh Ceydaruus Sayid Axmed Sayid Warsame oo ah gudoomiyaha gobalada Koofureed ee Ahlu-sunna Waljameeca iyo Shiikh Maxamed Xuseen Alqaadi oo ah Afhayeenka gobolada Koofureed ee Ahlu-sunna Waljameeca.
Saciid Faarax, Nairobi/Kenya.
———————
Hoos ka dhageyso wareysi hore oo uu Xildhibaan Maxamuud Sayid uga hadlayo shirkii Nairobi ka dhacay ee looga hadlayay maamul u sameynta gobolada Jubbooyinka iyo Gedo:

Adeer bay iyo bakool gaajadeeda maxaad noogu soo dari? mase lagu heshiin maamul 6 gobol ah? sh hoose se yaa kugu soo daraya? sh hoose sh dhexe iyo banadir ayaa is raacaya. teeda kale ragan meesha ku qoran ee magaca ahlusuna wata ha iska dhigaan balaayo ayaa ku hoos jirta! teeda kale 6 gobol faaiido inooguma jirto coz si siman ayay maamuladu wax u qaybsandoonaan ee cidna ku dhihi mayso 6 gobol iyo 3 gobol ma sina, marka diyaar miyaad u tahay 3 gobol dad wata iyo adoo 6 gobol wata inaad isku wax qaadataan? marka ka fiirso waxaysan dan kuugu jirin. atleast woqooyiga galgaduud nagu dara hadaad dhihi lahayd waanba fahmi lahayn lakin nimankan meeshaad u wado lama fahmin!
Salaamu caleykum Dadkeeyga….
Xildhibaanku wuu ku mahadsanyahay sida wanaagsan ee uu usoo gudbiyay aragtidiisa laakiin waan ka aragti duwanahay, sababtoo ah xildhibaanku 6da gobol ee uu wato ma ahan fikir ????? iyo mid eey xataa ???? ku qanci karaan ama badankood isku wada raaci karaan.
Shirka nairopy waa rajada iyo fursada ugu macquulsan ee soo marta dadka deegaanka, hadaan ka faa’iideeysanin waxaa imaan doonta maalin aan ??? ama ???? iyo ???? loo daba fadhiisto arimaha juboyinka iyo masiirka caruurteena.
Walaalo is neceb weey xoola yareeyaan weeyna xabaal badiyaan…..marka waxaan ku talin lahaa in DANTA GUUD laga hor mariyo wax walba
Xildhibaanka waxaan leenahay kaalay noo tali anagaa ku ogol, lakin lixdaadada gobol kii tiisa ka soo boxo ayaa tu kale ku daro, ee shabaab ka saaro gedo, maamulna u sameeyso hadaad karti leedahay ka dibna meeshaa rabto la’aad.
Waxaan aad u taageersanahay ra,yiga xildhibaanka oo ah ra,yi ku salaysan wanaaga iyo in ay wax waara oo shaqeeya la helo. Mida kale xildhibaanka oo ah nin aad u qiima badan waxaan u soo jeedin lahaa in uusan arintaas ka harin .
Xildhibanka wa mahadsan yahay dadku waa kala fikir duwanan kara lakin in la isku tanasuulo ayaa meesha ku haboon xildhibanka wa la xushmeeyay Aw-libaax ayaa gedo ugu tagay oo la soo hadlay kana qanciyay arimo badan marka waxaan filaya asagana in uu gartay sidaas na nairobi ku yimid wixi dhimana la dhamayn dono Guleyso oo guul no horseed Xildhibaan.
Waxaad moodaa xildhibaanka hadaladiisa in ay ku jiraan hanjabaad iyo isla weyni, waxaan kaloo la yaabanahay beesha sade mareexaan way haystaan gobolkoodi gedo waliba waxaa lagu dadaalayaa in loo xoreeyo oo dawladda iyo caalamkaba isugu tagaan oo al xoreeyo iyaguna waxay u hanjabayaan gobollo kale oo dad leeyahay marka arrintaas sida ay isu qabanayso waa in la weydiiyaa beesha sade mareexaan teeda kale haddii ay rabaan in ay la midoombaan Bay iyo Bakool iyo Marka ma jirto cid ka hortaagan mana jii doonto cidkale oo wax ku darsandoonto oo ka socoto Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe, marka waxaan leenahay marka hore beesha sade waa in ay iimaansadaan gobolkooda gedo ee qaniga ah, tankale haddi aybo dhacdo in wax la wadaago ma oggolyihiin beesha sade in daarood kale uu la deggen yahay qaar ka mid ah gobolka gedo sida Baardheere oo ay degaan ogaadeen, harti iyo luuq oo ay degaan Harti iyo degmada doolow oo ay degaan ogaadeen iyo harti, beesha mareexaan sidaas ma ogyihiin oo hadhow in wax qaybsiga lagu dari doono degmooyinkaas oo ay xildhibaanno iyo iyo dad maamulka wax ka qabto ay halkaas ka soo bixi doonaan. Midda kale waxaa loo baahanyahay siyaasad deggan in wax lagu maamulo oo la iska daayo madaxtaagga iyo wax kala rixashada haddi taasi timaaddo waxbo lakala dheefi maayo xaaladdu waxay noqonaysaa middi middi ku taag, waxaan dhihi lahaa xildhibaanka waa in uu is dajiyaa dad ayaa arrintaan ka soo sheqeeyey isaguna xilligaas shaqadu socotay waxaa uu ku mashquulösanaa xoraynta gobolka gedo marka waa inuu ku qancaa in cid walbo ay dadaalaysay oo dhineceda ay wanaagga ka weddey laakiin markii uu soo dhex galay xaajada waa in uusan rabshad iy madaxtaag la imaanin meesha sidii caadada u ahayd hoggaamiye kooxeedyada taasna hadda xilligeedii waa dhammaaday. ugu dambayn waxaan leenahay dhulkaan dadkoo dhan waa deeqaa ee qolo walbo dhulkeeda ha iimaansato oo ha deeqo.
Xildhibaanka iyo Sh. Maxamed Aw-libaax ayaa waxaay ka wada hadleen waxyaabo badan oo ku saabsan qabka lo dhisaayo Maamulka ay yeelanayaan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo labada masuul ayaa waxay islama meel dhigeen qodobo badan oo ay ugu horeyso in Shirweynah Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo lagu qabto Gudaha Somalia isla markana so Xulitaanka barlamanka iyo doraashada Madaxweynahaba ay ka dhacdo gudaha Somalia.
Asalaamu Caleykum dhamaantiin.
waxaan Su’aal weydiin lahaa xildhibaanka halka uu kala yimid sheekada 6 gobol maamul u sameyntooda ma isaga ayaa iska sameystey warkaan, dadka beesha uu ka dhashey weligood lagama maqlin ayagoo leh Bakool iyo shabeelada hoose aan maamul ku darsano , shuruuda federaalka la iska rabaa waa 2 gobol oo keliya, marka xildhibaanka maxaa ku kalifey inuu lix gobol isaga dhaganaado aan macno iyo mansab soo kordhineyn
waxaa fiican in xildhibaanka runta loo sheego oo uusan waqti ku limin waxaan socon doonin oo isaga iyo dadkiisaba buuq iyo qalalaaso hor leh gelin doona, waxaa isu tanaasuli la’ Mareexaan iyo Absame oo isla dhashey abtirsiina wadaaga markaas sideey isugu tanaasuli karaan kuwa aan isku afba ku hadal oo u bahaan in loo kala tarjumo, waxey la mid tahey sheekadii islaantii iyadoo xaabadii hore qaadi la’ tiri tu kale iigu dara.
asc wr wbr
waxkasta oon cadaalad loo fulin waxay kudhamadan qasaaro waxkastoon xalal lagu bilabina waxay kudhamadan qasaaro,
marka kow somali meel walba iyo gobal kasta way islawada degen, waxaa iiga muuqato anoon meelkalaba adin in gobalka gedo ay dagaan umad badan oo qabilkasta leh somaliweyn wax ka muuqda dadkii degana gobalka oo halqabil basa ii muuqata in ay horbaadayan siyasada gobalka, 2ba jubadahoose dadkii degenaa halqabiil baa isna hor baadaya aaway umaddii gobaladan ladeganaa dadka maxaa xaqirada kenay iyo cadalad darada hadda iyo kow aad dagal kii91ki nagu celinaysan wayo qabiilooyin ka somalida ee wada dega gobaladan looma wada dhama ee dulmiga dhaafe ciroole iyo saqiir kii kuladegana la soo heshii kow
sheekadaan looma dhama waa waxa na curyaamiyey.
lixdaan gobol waa fikrad fiican laakiin waxaa ka horaysa in gobol walba mamul uu soo samaysto marka hore ka gadaal wixii israaci kara ha israacaan.