Home » News »

Barakac aad u balaaran oo ku dhacay dadkii daganaa degmooyinka Ceelcade iyo Garbahaarey

Kaddib markii ay waayadaan danbe dagaalo faraha looga gubtay ka socdeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo sida Ceelcadde iyo Garbahaarey ayaa waxaa deegaanadii lagu dagaalamay ka dhashay bur-bur iyo barakac baahsan oo dad iyo duunyaba leh, halka tirada guryaha la sheegay in dagaaladaan awgood Degmada Ceelcade ku gubteen ay kor u dhaafayaan ilaa iyo 13 guri.

Barakacayaasha oo u badan dumar iyo caruur ayaa badankooda kusoo barakacay deegaanada ay ka midka yihiin:  Balad-xaawo iyo Ceelwaaq iyo tiro aan sidaas u badneyn oo ku barakacday Ceel-gaduud.

Deegaanada ay dagaalada gobolka Gedo ka socda sida gaarka ah u saameeyeen ayaa waxaa ka mid ah: Ceelcade, Ceel-gaduud, Buraa, Fardhanaan, Garbahaarey iyo Daabley.  Dadka ku dhaqan deegaanadaan ayaa waxaa gurmadkii ugu horeeyay ee bani’aadan-nimo la gaaray Hay’adda NCA oo la sheegay in ay 600 oo qoys, qoyskiiba siisay $200, halka 150 qoys oo ganacsato ahaa ay qoyskiiba u qeybisay $500.

Odayaasha qaabilsan gurmadka barakacayaasha ayaa Hay’adda NCA waxay uga mahad celiyeen gurmadkooda bani’aadan-nimo ee ay xiligii ku haboonaa la gaareen dadka sida weyn ugu baahan in caawinaad lala gaaro.

“Anagoo ah wax garadka iyo odayaash Dagmada Ceelcade waxaan umahad celinaynaa Hay’ada NCA oo runtii qayb wayn ka qaadatay u gurmashada dadkii kasoo barakacay Deegaanada hoos yimaada Degmooyinka Garbahaarey iyo Ceelcade oo ay dagaalada aafeeyeen” sidaas waxaa yiri Hussein Mohamed Abdille (Bikolo) oo ah afhayeenka iyo wakiilka odayaasha dadka soo barakacay.

Dhanka kale, wakiilka odayaasha dadka soo barakacay ayaa waxuu dhaliil iyo cambaareyn usoo jeediyay kooxaha hubeysan ee ku dhex dagaalamay goobaha ay shacabku degan yihiin.

“Ha ogaadaan labada garab ee hubeysan ee shacabka masaakiinta ah ku dul-dagaalamayo ee aan cidna u aabayelayn, in goor ay noqotaba la’idinla xisaabtami doono oo aan la’idinkaga hari doonin gabood falada aad ku wadaan shacabka aan waxba galabsan ee aad layneysaan ama ka bara kicineysaan deegaanadoodii” sidaas waxaa mar kale yiri Mohamed Abdille (Bikolo) oo ah afhayeenka odayaasha dadka soo barakcay.

————
Hussein Mohamed Abdille (Bikolo)
Wakiilka odayaasha dadka soo barakacay
Balad-xaawo, Gedo/Somalia
bikolo88@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Barakac aad u balaaran oo ku dhacay dadkii daganaa degmooyinka Ceelcade iyo Garbahaarey "

  1. qalbi says:

    biilo howlo muhiim ah ayad haysaa. dadka ha loo gurmado. hormarkana halaga shaqeeyo

  2. Ceelcadde says:

    Allaha kadulqaado dhibaatooyinka haysto gobolka gedo