Home » News »

Ciidamada badda wadanka Talyaaniga oo bad baadiyay Tahriibayaal Soomaaliyeed.

Ciidamada badda Wadanka Talyaaniga ayaa lagu soo waramaayaa inay bad baadiyeen in ku dhaw 90 tahriibayaal Soomaaliyeed oo halis weyn naftooda ku gashay badda u dhaxeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Dadkaan ayaa doontii ay saarnaayeen la sheegay in maalintii shalay ahayd ay kula ciladowday badda dhexdeeda, laakiin waxa ay soo dirsadeen taleefan oo ay ku sheegayaan in halis xoogan ay ku jiraan.

Ciidamada badda Talyaaniga oo arintaasi lagu war geliyay ayaa iyaga oo iskaashi la sameenaaya ciidamada Liibiya waxay si nabad ah ku bad baadiyeen dhamaan dadkii doonida saarnaa oo wada bad qaba.

Dadkaan ayaa waxaa lagu wareejiyay ciidamada badda wadanka Liibiya, iyadoona xaaladooda ay haatan tahay mid aad u wanaagsan, marka loo eego sidii ay horay u ahaayeen.

Inta badan Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa noloshooda waxay halis aad u weyn ku gashaa biyaha u dhaxeeya Talyaaniga iyo Liibiya, waxaana sidoo kale jirta dhalinyaro iyana meelo kale Tahriib u aada misane dhibaato ay soo gaarto.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.