Home » News »

Dowladda Uganda oo ciidamo dheeraad ah sheegtay in Soomaaliya ay usoo direyso.

Dowladda Uganda gaar ahaan wasaaradda Difaaca wadankaasi ayaa shaaca ka qaaday in dhawaan wadanka Soomaaliya ay usoo diri doonaan ciidamo aad u badan oo dalkeeda ka socda.

Warbixin aad u dheer oo ay soo saartay wasaaradda difaaca Ugand ayaa waxaa lagu sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ay soo gaari doonaan askar ka badan 3 kun oo la tilmaamay inay ka qeyb qaadan doonaan howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Warbixinta ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in ciidamadaan ay dhameestiri doonaan dagaalada ka dhanka ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ee ka soconaaya qeybo ka mid ah gobalada Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa lagu soo waramaayaa inay yihiin ciidamo si gaar ah loo soo tababaray waxaana markii ay dalka Yimaadaan ay bedalaayaan ciidamo kale oo horay Uganda uga socday.

Dowladda Uganda waxay ka mid tahay dowladaha ay ciidamada ka joogaan wadanka Soomaaliya waxaana ay garab siiyaan dowladda KMGS oo dagaal kula jirta Xarakada Al-shabaab.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.