Ergada Ansixinta Dastuurka ayaa maanta oo ahayd maalintii Sedaxaad ee si toos ah kulan u yeeshaan waxaa loo aqriyay nuqualada uu ka koobanyahay qabyo qoraalka dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Kulanka oo furmay abaare 09:00 subaxnimo ayaa soo gaba gaboobay xilliga salaada Duhur ka dib ee magaalada Muqdisho, waxaana inta uu socday shirkaasi la aqriyay dhamaan nuqulada uu ka koobanyahay qabyo qoraalka dastuurka Soomaaliya loo sameenaayo.
Shirka ayaa markii uu soo gaba gaboobay waxaa saxaafadda la hadlay wasiirka dastuurka ee xukuumada TFG C/raxmaan Xoosh Jibriil isaga oo sheegay in beri la filaayo in laga doodo qodobada dastuurka ka qaldan oo maanta ay sumadeesteen (Calaameesteen) ergada anisixnta dastuurka.
Beri ayaa la filaayaa in kulanka uu halkiisa kasii socdo waxaana ergada maalinta beri ah ay si toos ah uga hadli doonaan qodobada ka qaldan dastuurka si loo saxo ka hor inta aan la ansixin.
Cumar Cali Maxamed Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.