Home » Faallo »

Jaho wareerka Siyaasadeed ee Soomaaliya ee saddexda Maafiya – By Sadiya Ruun

Ku: Sheiq Shariif Sheiq Ahmed

Ku: Shariif Hassan Sheiq Aadan

Ku Cadiwali Gaas

Ku: Agustina Mahiga UN Envoy of Somalia

Ku: Taliyaha Ciidamada Midowga Africa (Xaamud)

Ku: Gudiga Ansixinta Dastuurka Qabya Qoraalka Soomaliyeed

Ku: Dowlada Kenya

Ku:  Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibadba

Ujeedo:  Jaho wareerka Siyaasadeed ee Soomaaliya ee saddexda Maafiya (Somali Political Dilemma of Three Mafias)

Waxaan rabaa inaan halkaan cod dheer ugu sheego dhamaan dadka ku xusan kor inaan ka daalnay dhibaato hadaanu nahay shacabka Soomaliyeed. Anigoo ku hadlaya magaca umada Soomaliyeed waxaan saarnay sadexda maafiyo diidmo cad (vito). Mahiga waxaanu u sheegaynaa kama hor imaan kartid kacdoon shacab, fadlan xaq dhowr codsigeena inta aan sii jeedno ayaad fursad haysataa. Waad og tahay waxa ka dhacay Liibiya, Masar, Syria,Yemen iyo Tunisia. Inta shacabku kaa sii jeedaan ayaad fursad haysataa. Hadii shan milyan oo kacdoonaty timaado talo fara ka baxday waxaad meesha ka tahayna ma jiri doonto.

Taas waxa ay imaanaysaa markaad umada u jujuubto labada Shariif umadana sanka ka geliso wax aysan raali ka ahayn. Somalia oo lagu yaqaano in ay tahay bulsho hal abuur wanaagsan (oral society) ayaa waxa ay horay u yiraahdeen “ Dawacadu halkii ay baruur uga barato ayay baahi ugu baqtisaa.” “The Jackal who has got accustomed to fat brisket will die of starvation.” Alle SW maalin maalmaha kamid ayuu Umdan Soomaliyeed ee rafaadsan faraj siin doonaa, waayo Eebe naxariistiisa lagama quusto. Waxaa hubaala in aanu nahay umad aad u ad adag. Maxaa yeelay waxaa xaqiiq ah in waxa Soomali loo geeystay hadii wadamo kale loo geeysan lahaa in aan magacoodba la maqleen. Soomalidu ma ahan dad is neceb ama is laaya balse waxaa lagu bixiyay malaayiin doolar sidii ay isku gumaadi lahaayeen. Waxaa dhibaatooyinkaas ka shaqeeya dad dana gaar ah ka leh Soomaliya dantaasi waxa ay rabaanba ha ahaadtee. Dadkaasi waxa ay iskugu jiraan ajaanib iyo muwaadiniin intaba. Kuwa waxa ay ku socdaan magac Argagaxisanimo, kuwa waxa ay kusocdaan magac dhul balaarsi. Kuwa waxa ay ku socdaan dalaalnimo, kuwa daris ayaan nahay ayay sheeganayaan, kuwa waxa ay u socdaan qeyraadka dalka, kuwa waxa ay u socdaan magac Islaanimo iyagoo dana gaar ah leh, kuwa wax ay ku shubaan sunta, kuwa wax ay rabaan in la raro shacbka si uu u noqdo dadku gabiib banana (goob cidla ah). Kuwa shacabka ayay qixiyaan iyagoo ku raadinaya magic iyo dhaqaale. Si waxaasoo dhami u suurtoobaan waa in horta madaxa la isku galiyo shacabka oo iyaga mixnad la isaga dhigo. Taas waa lagu guuleystay xaqiiqatan.Bal fiiri oo kasoo saar calanka Soomaaliya wadamada sameeya hubka . Soomaliya ma hub bay sameeysanaa oo ma warshadaa kuyaala Somaliya? Xagee hubku naga soo galaa? Marka aad aqriso qoryaha lagu dagaalamo waxaa sameeya beesha caalamka http://en.wikipedia.org/wiki/List_of_artillery. Soomaldu wax ay tiraa ,”Sadar muuqdaa su’aal kadhan.” Inagu isma haysano ee duul kale ayaa is haysta, hadii ay nadaayaana waanu is dayn lahayn.

Taariiqda Soomalida hadii aad dib u eegto waxa laysku dili jiray ceel biyood, soohdin iyo xoolo, hadana inta geed hoostiis la fadhiisto ayaa laga xaaltami jiray oo hadana gabdha lays dhaafsan jiray deetana faataxada la maran jiray. Maxaa badalay dhaqankeenii suubanaa? Mixnadu waa mid layna galiyay balse aan gurbaanka u sii garaacnay inagu.

Intaasi waa hore u dhac, balse hadii aan hoos u soo daadago waxaa cadeeyn u ah waxa dhacaya ee aan kor kusoo xusay, iyo in aan raali laga ahyn in nabad la helo oo Soomaliya cagaheeda ku istaagto in dadka Soomaliyeed sanka laga galiyo madax aan u qalmin masiirka uma Soomaliyeed oo caada qaatayaal ah, Umada ku sharciyeeyaan wax aan u qalmin. Waakuwama madaxda aan ka hadleynaahi? Maxeeyse ka dheheen culimada iyo aqoonyahanada Soomaliyeed? Bal aqristoow nala daawo video xamasad iyo qiiro leh. Mahigow adiguna wax ka daawo.Qofku markuu filimka jilayo ma fahmi karo sida dadku u arkaan masrixiyadiisa. Waxaase uu si fiican u arkaa markuu daawado oo iska dhex arko shaashada.

http://www.youtube.com/watch?v=9gAk0PgvA5Q&feature=player_embedded#!

Ma mudan yihiin in ay isi soo sharaxaan? Mahiga xaq ma u leedahay in aad umada Soomaliyeed danahaaga gaarka ah u afduubto? Maxey tahay sababta kugu qasbeeysa in aad u ololeeyso danbiilayaal awoodiina gacanta u geliso? Iyadoo ay joogaan aqoonyahano Soomaliyeed oo wax ka qaban kara arimaha murugsan ee Soomaliya awoodna u leh ineey ka taqalusaan xagjirka maadaama ay haystaan kalsoonida shacabka. Hadaka waxaan ku leeyahy Agustina Mahiga hakuu fasiraan dadka ka shaqeeya xaafiiskaaga. Halkaana ka aqriso shaqsiga horbooda siyaasada Soimaliya ee laguu igmaday inaad garwadeen uga noqoto Umadaha Midoobay. Musuqq maasuqa ugu badani waxa uu dhacay intii aad joogtay xaafiiska, dadka intooda badani waxa ay aaminsan yihiin inuu kula curtay musuqmaasuqu qeybna aad ka tahay hadii cadaalad la helo mustaqbalka lagaala xisaabtami doono. “Xoolo rag farana ka tirsan feerana ka xisaaban.”Men’s wealth is countable by hand and remembered by heart.” Qof kasta oo ka qeyb qatay boobka iyo burburka Somaliya waxaa hubaala in aysan iloobi doonin shacabka Soomaliyeed hadii Allaha awooda lihi idmo….

http://somalitalk.com/2010/04/27/taariikhdiina-iyo-wax-tarkiina-waxaa-yaqaana-shacabka-soomaaliyeed/

Damaca sadexda maafiyo ee farshaxanka weyn amin amir oo ku xusay bogiisa qadiyada Soomaliya uu kusoo bandhigo ee ah www.aminarts.com ayaa waxa ay noqotay arin aad uga yaabsatay shacabka soomaliyeed iyo bulshada caalamkaba. Waxa uu si taxadarleh farshaxanku u xusay in dhaqaalaha sida qaldan loo maareeyo boobka hantida qaranka, iyo musuqmaasuqu ay qeyb weyn ka yihiin dhibaatada ka jirta somaliya.Taasoo sababtay in lawaayo dawalad tayo leh. dhaqaalahaas oo ay u isticmaalayaan si ay ugu guuleeystaan doorashada soo socota. taasi waxa ay caqabad ku noqon doontaa in lahelo dawlad aqoon leh oo xal u heli karta arimaha murugsan.

Ma jiraan hay’ ado kala xisaabtama, majiraan maxkamado sare. Taasi waxa ay sii balaarisay hamiga sadexda maafiyo oo Soomaliya oo dhan ka dhigay Somalia for sale ( Somaaaliya waa iib) iyo waliba dibindaabyada Mahiga uu ku hayo madaxbaanida qaranimada Soomalia. (Dignity, Superiority and Integrity of Somalia). Sadexda masuul ee ugu sareeysa xukuumada waa ay iska fogeeyeen in ay qirtaan musuqmaasuqa iyadoo raadkoodii muuqdo. Kooxda dabagalku waxay haytaan ducoments cad oo lagu kalsoonyahay. Eedaymaha waxaa ugu muhiimsanaa, wada shaqeynata madaxda dowlada iyo burcada, madaxweynaha inuu ehelkiisa uun gacanta u galiyay ilihii dhaqaalaha hantida shacabka iyadoo macluul ba’ani jirtay xiligaas, qarashaadka ku baxay safaradooda iyo hoteeladooda oo aad uga badnaa kan ciidamada. Lacago aan la marsiinin bangiga dhexe oo la leexsday, lacago lagu soo daabacay Sudaan oo aan la ogayn halka ay ka bexeen iyo in waliba arinta ugu weyn ee cuuryaamisay dowladooda fadhiidka ah ay tahay musuq maasuqooda. Iyo iyadooo lahga leexiyay wadadii ay ugu tala galeen deeq bixiyayaashu. Sidoo kale waxa ay sheegeen in lajeex jeexo documents marka qofku shaqada laga badalo ama laga fariisiyo, si aan loo helin raad.

Waa arin loo bareeray waayo madaxda qaar waxaa ku jitra kuwa kasoo shaqeeyay xisaabaadka iyo canshuuraha wadanmada hore u maray (USA). Taasi waxay cusleeys gelin doontaa in ay ka badbaadaan in maxkamad caalami ahi danbi kusoo oogto halkaan ka aqri cvga Cabdiwali Gaas oo aqoon u leh dhibaatada musuq maasuqa jaamacadna uga soo baxay aqoon buuxdana u leh arimaha bulshada , dhaqaalaha , xisabaadka, iyo waxa ka imaankara xatooyada xoolaha shacabaka.http://www.allgedo.com/newswire/wp-content/uploads/2011/06/Ali-vita-Oct-2010.pdf. wax walba waqtigooda ayay leeyihiin laakiin waa qalad inaad isi soo sharxdo adoo danbiile ah, beesha caalamkana waxaan u sheegaynaa inaan cod dheer ku leenahay maya sadexda maafiya iyo shirqoolka Mahiga.

Taliyaha Ciidamamada Midowga Africa Mr Xaamud waxaanu leenahay gumeysi ayaa ina kala qeeybiyay, balse waxaad tahay Soomali. Hadii Soomaliya faraha ka baxdo, ma jiri doonto wax layiraa Djabouti. Waxaa lagaaga baahan yahay inaad taariiqda baal dahab ah ka gashid. Waxaad awoodaa wixii General Gebra iyo Bahuka ay awoodeen oo ahaa in ay la saftaan cidii dantoodu ku jirta iyadoo xaqdara ah. Adigu xaqa adoo ku taagan, cidna lasafan, shacabka Soomaliyeed yaan la afduubin oo u ogoloow aftidooda oo xorta ah. ( Xaamud Waanu Nacnay Labada Shariif Siiba Sakiin Illaah Baanu Kugu Dhaarine Naga Hor Wareeji Alla Hakuu Naxariisto Aduun iyo Aaqariba)Wax kale kaama rabno, xoolo nasii kuma lihin. Ilaali uun in doorahso xaqa ka dhacdo Soomaliya, fursadna helaan aqoonyahanada aan wadin musuq maasuqa. Kuwaasoo labada shariif ku yihiin caqabad.

Kenya waxaanu usheegaynaa waad riyoonaysaan, Somali iyadu ha isku darnaato lakiin sheeda kore ayaan idinkala soconaa waxaad jabiseen cunaqabteyntii huba. Waxaad laayseen shacab somaliyeed Waxaad geeysateen dhibindaabyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Waabad sii awrkacsateen oo waxaad la gasheen shirkado shisheeye heshiisyo. Waxaa haboon in aad ku qanacdaan diidmadii UNku idiin diiday heshiiskii isfahamka. Waanan ognahay inaad dabada ka riixaysaan dastuurka cusub si oo laalo kii hore ee xadeeynayay bada Soomaliya. Soomaliya hadii ay hesho doorasho xor ah waxaa la laalayaa dastuurka Mahiiga waxaana loo laabanayaa kii hore ee lixdankii. Xuduudeenuna waa lama taabtaan. Waxaanu daba joognaa NFDo inaga maqan. Libaax baa la yiri libaaxoow waxaad ka yaabto maxaa kuula yaab badnaa, markaasii yiri, “ Markii dawaco I tiri aan kula lagdamo.”Taas micnaheedu waxaa weeye Kenya waligeed taariiqada Somaliya ma haweysanin badeeda. Mahiga waxaa dad badani hadal hayaan in aysan bilaaban cadaawada aad u qabto Somaliya waqti dhaw. Taasoo ay siyaasiyiin ruug cadaa ahi wax ka qoreen marar badan. ‘Taariiqdu waa dahab hadaan indhaha laga dabooleynin’

Ergada dastuurka waxaan leeyahay Soomali ayaad leedihiin wakiil ayaan ka nahay. Anagu idinma dooran laakiin idinkaa masuuliyadaas qaaday oo dhabarka u ritay, barina waanu idinkala xisaabtamaynaa. Ilaahyna tawfiiqda ha idin waafajiyo. Waxaan noo cunamin hanoo keenina. waxaan idinku dhiirinaynaa in aad ka fogataan hagardaamada shariifyada. Aragtidiinuna ha fogaato. Ogaadana ujeedada dastuurka in laba arimood ku hoos qarsoon tahay. Inta kale waa wax shacabku markasta wax ka badali karaan. Mid waa qeyraadka dalka oo ay ku lamaansantahay arin dhibteeda wadata (Global Economic and Political War) tankalana waa xuduudaha Somalia oo la rabo in dastuurka lagu dabaqo. Labadaas arimoodba gacmo shisheeye kama marna. Idinkaa laydinkaga baahan yahay inaad wax ka qabataan maanta. Hadiise ay faraha ka baxdo waxaa imaanaysa in bari laga shalaayo. Maanta ayaad wax diidi kartaan. Taasi waxa ay suurtoobeeysaa hadii sadexda maafiyo iyo musuq maasuqooda aadnan ku tarax tagin , ceebaysanaan go’aana ka qaadataan, meeshana ka ceyrisaan, waliba waxaan idin leeyahay lacagta ka qaata kadibna laada oo ceebeeya si laydinkugu daysado mustaqbalka dhaw… Masuuliyadii aad qaadeena aadnay ka been sheegin idinkoo fiirsanaya mansab iyo dhaqaale sida looga bartay madaxda Soomalida ee ceebaysan.

Waa jiraan waxyaabo badan oo aan qaynuunka caalimagaa waafaqsanayn oo ka dhacaya Soomaliya, balse tani waxay uga duwnaan doontaa in ay noqon doonto “Gacantaydi midigee godinta aan kugooyee iyadoon wax ii galin gumodkeedii igu yaal.” Dhulku qeyraadka ayuu wax ku yahay. Waana muqadas inaad ilaashataan hadii aad masiirkii umada dhabarka u ridateen. Waxaa la yaab leh , dhibaatata waxaa laga bartaa tanaasul, is cafin, daacadnimo, jaceyl iyo howlkarnimo. Hadaba inaga labaatankii saro waaba nooga dary.

Gunaanad maqaalkaygan oo dhinacyo badan taabanay ayaan kusoo gunaanadayaa in aanu u baahanahy in sadexda masuul ee ugu sareeysa lasoo taago maxkamad caalami ah . Sidoo kale waxaanu ka codsaneynaa dalalka daneeyan Arimagha Somalia in ay usoo xulaan Somaliya madax hufan oo Sumcad wanaagsan iyo aqoon leh dawlad wadaaga.Wanaanu kaloo ka codsaneeynaa in si taxdar leh loobaaro inuu ergaga gaarka ah ku lug leeyahay musuq maasuqa iyo in kale. Hadii lasoo taago maxkamad dadka lunsaday dhaqaalaha shacabka,waxay ay u noqonaysaa waano madaxda danbe ee soo socda. Taasi waxa ay noo horseedi doontaa dawlad wanaag. Waxaa is weydiin mudan sababta beesha caalamku ku ogaaleen in danbiilayaal ka qeyb qaataan siyaasada Soomaliya.

Waxaa muhuuma in laga taqaluso xagjirka hadii ay u tanaasuli waayaan danaha umada si loo helo xal waara

Maqaalkaan waa fikir shaqsiyadeed.

Kasokow fikirkeyga waxa aan xogta siyaasiyiinta kasoo aruuriyay qaar kamida Somali websites.

Sadiya Ruun maaxah2010@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Jaho wareerka Siyaasadeed ee Soomaaliya ee saddexda Maafiya – By Sadiya Ruun "

  1. gold price says:

    Radio Somaliland – 24 Jan, 2012Siyaasada Arrimaha Debeda ee dalka oo gashay mugdi: Umadkasta waxaa saldhig u ah taariikh aan ku gedman dadyaw kale.

  2. Gedo-King says:

    Walal isha ayad ka tuurtay runtii. Umada smlyed way ka daaleen madax dantoda kali wato o meshi ay wax uqaban lahayen umadoda ka doortay danahooda gaarka ah. Mahigow maqrun0w musuqmasuq aabihisow marna maslaxadena kama taliyow meshi loo wakishabo macdanta kala baxow maamul hadad ogtahay maalkena maadan milkisene macbuudkan barinaye waa bil ramadaan macna daradad la waregeysid inu ilahay adi madaxa kusuro amiin