Home » News »

Nin Injineer ahaa oo maanta lagu toogtay deegaan ku yaala duleedka Magaalada Muqdisho.

Deegaanka Lafoole ee duleedka Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu dilay Nin la sheegay inuu ahaa Injineer xilli uu saarnaa gaari nooca Raaxada Loo yaqaano oo halkaasi maraayay.

Ninkaan ayaa kasoo amba baxay degmada Afgooye, waxaana magaciisa lagu soo gaabiyay Injineer Xalane, iyadoona dilkaasi ay u geesteen rag xiran dareeska ciidamada dowladda TFG.

Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan halka uu dilkaan ka dhacay ayaa sheegay in ay arkeen mar kaliya gaariga ninkaan oo rasaas xoogan ay la dhacaayaan ciidamo ku labisan dareeska dowladda.

Lama oga sababta ninkaan loo dilay laakiin maalmahaan dambe waxaa soo badanaayay amaan darida ka taagan inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.