Ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Ahlu-sunna ayaa maanta dagaal qaraar waxa uu ku dhexmaray degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan, waxaana dagaalkaa ka dhashay qasaare xoogan.
Dagaalka ayaa ku bilawday sida la sheegay weerar degmada Matabaan ay ku qaadeen ciidamada dowladda waxaana la isku adeegsaday hub aad u xoogan.
Dagaalkaasi ayaa waxaa ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, waxaana dhinacyadii dagaalamay ay kala sheegteen guulo.
C/fitaax Xasan Afrax oo ah gudoomiyaha gobalka Hiiraan ayaa saxaafadda u sheegay in weerarkaasi ay qaadeen ciidamada dowladda waxaana uu sheegay sababta ku kaliftay weerarkaasi inay ahayd cabasho ay soo gaarsiiyeen shacabka halkaasi ku dhaqan.
Dhanka kale saraakiisha Ahlu-sunna ayaa dhankooda waxay sheegeen in gudoomiyaha gobalka Hiiraan ee dowladda TFG uu deegaankaasi kusoo weeraray qaab qabiil, waxaana ay baaq u direen madaxda sare ee dowladda TFG.
Xaaladda guud ayaa haatan ah mid degan, waxaana gacan ku haynta degmada Matabaan haaya ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca oo horayba halkaasi ugu sugnaa.
Cumar Cali Maxame, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.