Dad ganacsato ah ayaa maanta dibad bax waxay ka dhigeen degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, kuwaa oo ka cabanaayay dhac xalay loo geestay goobo ganacsi oo ay Suuqa Towfiiq ku lahaayeen.
Ganacsatadaan ayaa maanta xiray guud ahaan goobahooda ganacsiga, waxaana ay sheegeen in xalay rag xiran dharka ciidanka dowladda TFG ay dhaceen in ka badan 3 kun oo Doolarka Mareekanka ah.
Dadkaan ayaa sidoo kale ka dalbaday dowladda TFG in si deg deg ah ay arintaan wax uga qabato hadii kalena ay gabi ahaantoodba iska xiri doonaan goobahooda ganacsiga ah.
Si kastaba ugu dambeen ayaa goobtii dibad baxa uu ka dhacaayay waxaa gaaray ciidamo ka mid ah dowladda TFG iyo saraakiil waxaana dadka loo sheegay in wax waliba la xalin doono, iyadoona dib loo furay goobihii ganacsiga ahaa ee xirnaa.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.