Home » News »

Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo maanta tiro madaafiic ah lagu weeraray.

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta waxaa weerar madaafiic ah ku qaaday Maleeshiyaad kasoo jeeda dhanka maamulka Gal-mudug State.

Weerarkaan ayaa dhacay xilli garoonka ay howshgiisa u socotay sidii loogu tyala galay, waxaana Maleeshiyaadkaan ay sheegeen in marnaba aanu shaqeyn doonin garoonkaasi.

In madaafiicdaan ay ku weeraraan ayaa waxay ka dambeysay ka dib markii maalmahaan uu soo if baxay muran xaga lahaanshiyaha dhul aan sidaa uga fogeen Garoonka Magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Maamulada Galmudug iyo Puntland weli wax war ahi kama aanay soo saarinm weerarkaan madaafiicda ee lagu qaaday garoonka magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.