Waxaan maqaalkii hore ugasoo hadalay muhiimada aynoogu fadhiyaan ubadka, dhibaatada aanu u maro korintooda iyo waajibka alaah na saaray inaan tarbiyeyno awlaada, qormadana waxaan ku sheegaynaa Goormee ayuu qofku oogu haboonyahay inla tarbiyeeyo, qofka waxtarbiyaynayo waa qofcaynkee ah iyo shuruudaha lagama maarmaanka ah inuu ku sifaysnaado.
Goormee ayuu qofka oogu haboonyahay in la tarbiyeeyo?
Qofka noloshiisa waxay u qaybsantaa labo qaybood:
1) Qayb mas’uul laga yahay isaguna raali uu ka yahay in mas’uul laga ahaato diyaarna uu u yahay inuu qaato habkii loo maareeyo.
2) Iyo qayb uu isagu mas’uul ka yahay inuu maareeyo naftiisa diyaarna uusan u ahayn in uu ku socdo talo kale oo uusan shaqo ku lahayn.
Qaybta koobaad ee nolosha qofka waxaa mas’uul ka ah waalidka ama haduusan waalid jirin cida markaa gacanta ku hayso, waana qaybta koobaad mida qaabayso qofka noloshiisa oo dhan qofnimadiisa, xumaantiisa iyo wanaagiisana waxay ku xiran tahay sidii loo tarbiyeeyey markii uu ku sugnaa marxalada koobaad waana marxaladaas xiliga ay oogu haboon tahay in la tarbiyeeyo awlaada.
Sababta keentay in ilmaha xiliga ay koriinka ku jiraan ay oogu haboon tahay tarbiyayntooda waa labo sababood:
· Marxalada koobaad ee ilmanimada uu ku jiro qofka wuxuu diyaar u yahay inuu qaato tarbiyada iyo tawjiihinta la siiyo waxayna lamid yihiin laan qoyan oo kale oo diyaar u ah hadba sidii loo qaabeeyo markuu qaangaaro way adagtahay in tarbiyo iyo dhaqan kaduwan kii uu ku barbaaray qaato.
· Ilmaha oo ku dhasho fidrada islaamka diyaarna u ah inayqaataan manhajka rabaaniga ah ee ilaahay bini’aadamka oogu talagalay inay ku socdaan sida uu nabigeena noosheegay:
روى البخاريفيصحيحه،عنأبيهريرةعنرسولاللهصلىاللهعليهوسلمأنهقال: (مَامِنْمَوْلُودٍإِلاَّيُولَدُعَلَىالْفِطْرَةِ،فَأَبَوَاهُ
(Qofkaste oo dhasho wuxuu dhashaa isagoo fidrada islaamak ahaysto laakiin aabihii ayaa yuhuudkadhigo, ama nasaaro, ama majuusi)ilmaha markii ay dhashaan waxay lamid yihiin warqad cad oo diyaar u ah in wax lagu qoro waxkaste oo lagu qorana way qaadanayaan xumaan iyo samaan kii uu doono ha ahaadee, sidaa awgeed waajib ayaa saaran waalidka inuu ilmaha wax wanaagsan ku barbaariyo waliba waxay maskaxdooda diyaar u tahay sidaad xadiiska ka arkaysis inay qaadato diinta islaamka iyo dhaqanka wanaagsan.)
Sifooyinka laga doonayo qofka waxtarbiyayanayo.
Qofka waxtarbiyaynayo waa wasiilada oogu muhiimsan marka ladoonayo in la gaaro ujeedada tarbiyada dhabta ah, waxaa laga rabaa inuu leeyahay sifooyin lagama maarmaan.ah waxaana oogu muhiimsan afar qodob:
1. Cilmi
Qofka wax tarbiyaynayo waa inuu leeyahay cilmi iyo faham uu kula soconkaro qofka la tarbiyaynayo, qaabka loo tarbiyaynayo, tarbiyada noocuu u baahan yahay iwm, cilimiga waxaa ka mid ah:
(B) Inuu leeyahay aqoon diineed oo ku filan
aqoonta laga rabo ma ahan inuu sheekh diinta islaamka ku noqdo, ee waa oogu yaraan inuu yaqaano siduu ilaahay u caabudi lahaa uuna yaqaano asaasiyaadka diinta islaamka sida:
Shanta tiir ee islaamka iyo axkaamtooda, waxyaabaha xaaraamta iyo xalaasha ah iyo waaajibaadka saaran ee lagama maarmmaanka,ah iyo inuu yaqaano habla dhaqanka dadka, sidoo kale waa inuu cilmi iyo ogaal u leeyahay cilmiga tarbiyada awlaada, taa waxay keenaysaa inuu waalidku fahamsan yahay sida uu ilmihiisa ku tarbiyaynayo cilmi ahaan uuna ku koontarooli karo.
Waxaa mudan inaanu halkaan ku sheegno waxaad arkaysaa qof muslim ah oo aan aqoon: tawxiidka, axkaamta salaada, iyo waxyaabaha lagama maarmanka u ah qofka muslimka ah, waxaana laga yaabaa in qofkaas cilmiga maadiga ah heerka gaaro ilaa heer jaamacad, taasina waa ayaan darro qofku inuu fahmi waayo noloshan iyo waxa loo keenay, waxaana xaqiiq ah wixii ilaahay uu ku caabudi lahaa inuu ku baran karo bilo kooban.
(T) inuu aqoon u leeyahay deegaanka uu ku noolyahay iyo ilmaha uu tarbiyaynayo
qofka waxtarbiyaynayo waa inuu aqoon u leeyahay deegaanka uu waxku tarbiyaynayo iyo waxa ka socdo sida dhaqamada ka jiro deegaanka, waxa deegaanka uuku wanaagsan yahay, akhlaaqda xunxun ee deegaanka kajiro, akhlaaqiyaadka ay inta badan ay ku lumaan ilmaha, si uu uga gaashaanto.
Sidoo kale waa inuu aqoon u leeyahay meelaha ilmaha lagu tarbiyeeyo sida, masaajida, dugsiyada qur’aanka iyo iskuulada, lana socdo had iyo jeer xaaladooda. Sidoo kale, waa in uu yaqaanaa ubadkiisa ama ilmaha uu tarbiyaynayo, maxaa yeelay ilmuhu isku nooc maahan iskusina tarbiyada uma qaataan maqalka waalidkana uma wada sina marka waa inuu isagoo dabeecadahooda ku xisaabtamayo uu ula dhaqmaa midba sida ku haboon.
Waa in waalidka iyo dadka kale ee ku hawlan tarbiyada ilmaha ay si fiican u yaqaanaan ilmaha ay tarbiyaynayaan dabeecadahooda aaqoon la’aanta arinkaana dhib badan ayaa lagala kulmaa ilmuhu way ku kala duwan yihiin sida: Dhaga nugaylka, fahamka, dabeecada, baarinimada iyo caqliga.
Tusaale:
Ilmaha qaar ka mid ah ayaa wanaagsan waalidkiina si wanaagsan ula dhaqmo, edeb fiican, waxbarshadana ku fiican lehna mas’uuliyad uu isagu isku diro wixii waajib ah oo la saarana kasoo baxo, xaga waalidka iyo xaga maclimkaba, kuwana sidaa waa ka duwan yihiin in xaalkooda aad loola socda maahane wax badan ma hagaajinayaan, markay timaado xaga ciqaabta way ku kala duwan yihiin oo kuwo in lala hadlo waliba si qabaw loola hadlo ayaa ku filan, kuwana in la canaanto, kuwa kalena in la ciqaabo maahane xal laga heli maayo.
2. Taqwo iyo kudayasho wanaagsan
Qofka wax tarbiyaynayo waa inuu ahaadaa qof wanaagsan oo diinta ku dhaqmo waxa uu sheegayana ay isaga ka muuqato, arinkaan wuxuu ka mid yahay arimaha oogu waawayn ee lagu tarbiyeeyo awlaada maxaa yeelay waxa aad ilmaha ku tarbiyaynayso hadaadan adi ku dhaqmayn waxbo kaama maqlayaan waxayna u malaynayaan inaad khiyamayso.
Marka ugu horaysa oo ay ilmuhu wax kala gartaan waxay ku daydaan aabaha iyo hooyada waxa ay samaynayaana wuu kala fiican yahay waxa ay ka maqlaan. Ficilka qofka iyo hadalkiisa waxaa saamayn badan ficilka, waana arin qof kaste fahmayo cirib xumada ka imaanayso haday iskhilaafaan hadalkaada iyo ficilkaada.
Arinkaan waa arin caalima,ah ilaahayna qur,aan kiisa meelo badan ayuu ku sheegay isagoo layaaban dadka wax farayo dadkale iyagiina aan la imaanaynin waxa ay dadka u sheegayaan iyo kuwa wax aysan samaynayn ku qawlayo wuxuu yiri ilaahay sareeye:
قال سبحانه: {أتأمرونالناسبالبروتنسونأنفسكموأنتمتتلونالكتابأفلاتعقلون} (البقرة:44)
«یاأیّهاالّذینامنوالمتقولونمالاتفعلون. کبرمقتاعنداللَّهانتقولوامالاتفعلون.»
Culimadii iyo dadkii horena arinkaan aad ayay uga cawdeen, gaar,ahaan culimadii salafka markay ilamahooda u gaynayaan macalimiinta iyo dadka wax tarbiyeeyo waxay u sheegi jireen ilamahooda waxa ay ku tarbiayaynayaan waxa oogu hereeyo waa inuu noqdaa inuu isagu qof wanaagsan noqdo maxaa yeelay ilmahaygu indhihiisa aday kula jiraan waxaad u wanaajisana wanaag ayuu u yahay waxaad u xumaysana xumaan ayuu u yahay.
3. Cadaalad
Cadaaladu waa shay asaasi,u ah bini aadamka, qofkastana uu xaq,uleeyahay inuu helo, waxayna la socotaa arinkaste oo bulshada dhexdeeda ka jirto, waana shay uu dareemayo baahideeda qofkaste oo bini,aadam,ah, markay timaado in loo cadaalad sameeyo awlaada ilaahay kusiiyayna waa arin xasaasi,ah oo loo baahan yahay in waalidku ku baraarugo.
Cadaalad la,aanta awlaada dhexdeeda,ah waa arin si weyn ugu baahsan bulshada dhexdeeda, waalidiinta aan waxgaradka ahayna aad ayay ugu kadsoomaan arinkaan, waalidka jacaylka ilmihiisa uu,u qabo way kala duwanaan karaan ilmaha laftoodana way kala fiicnan karaan laakiin fiicnaantooda iyo jacaylka aad qaar aad u jeceshahay ma,ahan inaad cadaalada iyo wax u qaybinta u kala badiso ama aad mid amaantid kan kalena caydid.
Waxaa dhacday xiligii nabigeena uu joogay (csw) in saxaabi la oran jiray Bashiir raali alaaha ka noqdee uu u yimid nabiga oo uu ku yiri “wiilkayga Nucmaan ah xoolo ayaan siinayaa ee markhaati ka ahoow”. Nabiga (csw) wuxuu yiri “awlaadaada kale ma siisay xoolaha aad siisay wiilkaadaan?”. Bashiir “maya” ayuu kujawaabay. Nabiga (csw) isagoo aad uga xanaaqay arinkaas ayuu ku yiri ”anigu cadaalad darro markhaati kama noqdee cid kale markhaati gasho”, siina raaciyey “Ilaahay ka baqa oo awlaadiina dhexdooda u cadaalad fala”.
Hadaba waa wax dhici karo in qalbi ahaan aysan kuu sinayn ilmaha aad wada dhashay, laakiin waxaa lagaa rabaa inaan lagaa dareemin oo aadan ficilku muujin. Waxaa lagaa rabaa inaad u sinto hadalka, wax siinta, naxariista, xataa culumadu waxay yiraahdeen waa in aad u sintaa dhunkashada, hadaan sidaa la yeelina waxaa imaanayso jawaab aan fiicnayn.
Ilmaha dareemo cadaalad darro wuu kaa aamin baxaa waxa aad u sheegaysoo wanaagsana ma qaato inay sax yihiina shaki ayuu ka qaadayaa, maxaa yeelay wuxuu arkay adigoo caayayo walaalkiina amaanayo, adigoo wax siinayo walaalkii isagana u diidayo, inuu halaabana waa laga yaabaa hadaan Ilaahay sugin. Waxay kaloo keenaysaa iyaga dhexdooda inuu ka abuurmo col iyo isnicid isu badali karo ficil. Waxaa kaloo dhacdo haduu canugu yahay qofweyn inuuba guriga karaahsado oo isaga tago.
Waxaa jirta mararka qaar inaad ilmahaada mid ka mid ah aad usoo gado wax aadan kuwa kale usoo gadin, ama aad amaanto waliba iyagoo wada maqlayo arintaana aad ku saxan tahay waxaana sabab u noqon karo arimo fara badan sida: Inuu kaalin fiican ka galay dugsiga qur’aanka ama iskuulka, in uu sameeyey kaligii arin aad kuligood u dirtay, ama inaad amaanto wanaag uu la yimid awgeed, sidaana waxaad u yeelaysaan inay kuwa kale uga daydaan, waana inaad sidaa oogu sheegto, waxaa kale oo jirto duruuf keenayso inay ku kala duwanaadaan habka wax loo siinayo sida: da’da iyo baahida gaarka ah ee qaarkood iwm.
4. Dadaal iyo kawarhayn.
Waxaa loo baahan yahay in lala yimaado dadaal iyo hawljoogto ah si ay u miro dhasho tarbiyada awlaada, dadaalka iyo ka warhaynta joogtada,ahna waa arimaha oogu mihiimsan ee qofku ku xaqiijioyo miradhalka hawlkaste oo uu qabanayo, waxaana loo baahan yahay si tarbiyadu u hirgasho in la helo hawl iyo kawarqab joogto ah si aad ilmaha xaaladooda ula socotid, waxaana ka mid ah arimaha lagama maarmaanka ah:
Duco: Inaad ilaahay ubarido si joogto ah ilmaha in ay kuu hagaagaan noqdaana kuwo u qaato tarbiyada wanaagsan sida oogu fiican, iinshaa Alaahu ilaahay waakaa aqbalayaa, baryada waxay kamidtahay wasiilooyinka kuwa oogu mihiimsan ee lagama maarmaanka ah waxay kamid tahay hubka adoomaha wanaagsan ilaahayna markuu sifaynayey cibaaduraxmaanka waxaa ka mid,ahaa sifadooda markay ilaahay baryayaan inay yiraahdaan:
{وَالَّذِينَيَقُولُونَرَبَّنَاهَبْلَنَامِنْأَزْوَاجِنَاوَذُرِّيَّاتِنَاقُرَّةَأَعْيُنٍوَاجْعَلْنَالِلْمُتَّقِينَإِمَامًا}
[الفرقان- 74]
( ilaahayoow haweenkeena iyo awlaadeena nooga dhig kuwo ilqabawsileh(macnaha kuwo adigana kuraali galiyo anagana baari noo ah) nagana dhig kuwo hogaamiyo dadka mutaqiinta,ah), anbiyada ilaahayna ilaahay wuxuu qur,aanka ku sheegay inay Allaah ka baryi jereen in awlaada u hagaagto:
{هُنَالِكَدَعَازَكَرِيَّارَبَّهُقَالَرَبِّهَبْلِيمِنلَّدُنْكَذُرِّيَّةًطَيِّبَةًإِنَّكَسَمِيعُالدُّعَاء}
[آلعمران-38]
Alaaha sareeyo wuxuu yiri isagoo kasheekaynayo sidii uu Nabbi Zakariye(cs) u baryey:(rabiyoow ii hibee awlaad wanaagsan adigu waxaad tahay midka baryada maqlee).
Nabi ibraahin(cs) wuxuu yiri: {رَبِّاجْعَلْنِيمُقِيمَالصَّلاَةِوَمِنذُرِّيَّتِيرَبَّنَاوَتَقَبَّلْدُعَاء}
[إبراهيم- 40] (ilaahayoow ani iyo ilmahaygaba ka dhig kuwo salaada oogo rabigeenoow baryadana naga aqbal)
Marka waa inaan arinkanaga oo dhan ilaahay waydiisanaa gaar,ahaan in ilaahay noo hagaajiyo awlaada iinshaa Alaah, Alaahna waanaga aqbalayaa maxaa yeelay waxa aad Alaah waydiisanayso waa wixii uu ku faray adoo dadaalayo hadaad duco ku dartana ma hungoobayno inshaa alaah.
Inaan mudo dheer laga maqnaan awlaada.
Gurigu wuxuu ka mid yahay goobaha lagu tarbiyeeyo ilmaha kuwa oogu muhuumsan, sidaa awgeed waa,in aabaha iyo hooyada markaste mid uula joogo, ilmaha caadiyan waa qalad badan yihiin markaste waxay u baahan yihiin in lalajoogo oo qaladkooda la xasuusiyo, kamaqnaashaha aadka u dheer waxay keeni karaan tarbiyo xumo ku timaado ilmaha maxaa yeelay ilmuhu saamayn weyn ayay ku leedahay waxa uu barto inta uu ku jiro koriinka, ilmaha laftooda waxaa la rabaa inaysan mudo badan ka maqnaan guriga inuu dugsi, iskuul, ama masaajid joogo mooyee.
Ilmaha oo isku kaliyaysto meel kabaxsan goobahawaxbarashada iyo guriga waxaa dhacdo inta badan inay kala bartaan akhlaaqda aan fiicnayn, maxaa yeelay canug walba waxa uu wataa akhlaaqdii uu ka bartay gurigooda, culimada tarbiyadana waxay sheegaan in ilmuhu saacad kaste dhaqan iyo tarbiyo uu qaadanayo haduu waayo tii fiicnaydna inuu baranayo tarbiyo xun.
Waxaa xusid mudan magaalooyinka waaweyn ee soomaaliya iyo meelaha ka baxsan soomaaliya ee soomaalidu ku nooshahay Aabaha inta badan wuu ka maqan yahay caruurta subixiina wuu ka baxaa guriga iyagoo hurdo habaynkiina wuxuu yimaadaa iyagoo hurdo, lagana yaabo todobaadkii maalin ama labo maalin inuu firaaqo helo iyagana mararbadan uu waqti u waayo.
Hadii arinku sidaa ku socdo in mudo,ah habaynka iyo maalinkuna isdaba galaan ilmuhuna sidaa ku qaangaaraan waxaa laga yaaba tarbiyo iyo dhaqan aad la yaabto inaad ku aragto ilmaha, markaana ay adkaato inaad waxka badashao maxaa yeelay marhaduu qofku qaangaaro way adagtahay in laga badalo dhaqanka uu ku soo barbaaray.
Waxaan arintaas kala talinayaa waalidiinta inay katanaa sulaan waxaanan xusuusinaya waxa aad habayn iyo maalin la ordayso soo maahan korinta iyo barbaarinta ilamhaada? Sidaa haday tahay waxaa lagaa doonayaa inaad ilmaha waqti fiican siiso, la,iskana daayo cudurdaarka aan meelna haysan, waxaan wada ognahay in badan oo waqtigeena ah inaan ku qaadano baararka la fariisto ee lagu hayo sheekooyinka rakhiiska ah inta badan ee aan waxba katarin qofka masalaxadiisa aakhiro iyo aduunba.
Koontorool.
Ilmaha waa in lagu koontoroolaa waxyaabaha loo diro iyo waxbarshada lagana war hayo si joogto ah meesha xaalkiisu marayo xaga tarbiyada iyo xaga waxbarashada.
Arinkaan waa meelaha oogu khaladka badan ee waalidku sameeyo waxaan wada og nahay ilaahaygii na abuurtay ayaa isagoo xog, ogaal ah hadana wuxuu noo sheegay in malaa,ig nala raaciyey xaalkanaga la socoto oo qorto waxa aanu samaynayno xun iyo sanba taasna waxay noo keenaysaa inaan maanka ku hayno in nala koontaroolayo mararbadana aanu sidaa uga joogsano xumaan naga dhici lahayd hadii qofku intaa ku joogsan waayana ilaahay wuxuu noo sameeyey madax iyo mas,uuliyiin dadka ku koontaroolo ilaalinta awaamiirta alle na saaray ee ku dhisan maslaxadeena.
Kormeerka iyo kawarqabka qofku waxa uu hayo in lalasocdo waxay kamid tahay waxyaabaha lagu hagaajiyo hawsha aduun ee bini aadamka uuka shaqeeya, xataa dadka waaweyn si kastoo ay mas,uul u yihiin hadaysan jirin hay,ad iyo gudi ku koontaroolo waxa uu ka shaqaynayo inay waxbadan halaabaan ayaa dhacdo, maxaadse umalayn ilmo yar oo aanu wada ognahay hilmaankooda degdega,ah iyo caqliyaraantooda oo wixii loo diray aanan lagu koontaroolin laguna daba galin.
Waxaa dhacdo mararka qaar in waalidku uusan war ka hayn mustawaha ilmaha iyo akhlaaqdooda, iskuulka ma tago, maclimiinta ma waraysto, dugsiga qur’aankana warkiisa daa; mar xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo ilmihii uu dhameeyey daraasadii ayuu maqlayaa canugaada waxbo mayaqaan amaba waa dhacay ama meel aan haboonayn ayuu taagnaa markaasuu orod bilaabaa oo waliba talaabo tii ka fool xun sameeyaa sida inuu garaaco.
Arimaha la arkay ee qariibka,ah waxaa ka mid ah waalidka qaarkii ma yaqaano ilmihiisa halka qur,aanka ay kamarayaan, mayaqaanaan heerka class ee iskuulada ay marayaan hadii waalidka looga yeero goobaha waxlagu barto ma Imaanayo wuxuu soo dirayaa xaaska isaguna inta badan waqtigiisa wuxuu ku qaataa baararka shaaha lagu gado.
Waxaa kale oo iyana loo baahanyahy in la koontaroolo ilmaha dhaqan kooda iyo xaaladahooda akhlaaq laga warhayo, Maxaa yeelay hadii waxlasaxayo iyo hadii waxlabaryo waxay ku haboon yihiin xiliga ay taagan tahay baahida.
Ilmaha qaladkoodu waa badan yahay marwalbana waa taagan yahay waxa loo baahan yahay iyadoo dulqaad la kaashanayo marwalbo in lasaxo oo aan laga daalin hababka lagu saxayana ay xigmad ku dhisnaadaan dilkana la yareeyo waxaa laga yaaba sida ay sheegaan culimada tarbiyada ilmaha qaarkamid ah markaad hal arin,ah kala hadasho waxka badan 500 oo mar inuu isbadalo.
Waxaadna ogaataa waxa aad rabto inaad waxka badesho ee aad ka shaqaynayso waa qof nool oo hadlayo oo doorasho leh waxaa la doonayaa inaadan caajisin, mararka qaar waxaa dhacdo sida aad u dadaalayso ee aad isu leedahay waxbaa kuu qabsoomay ayaad kala kulmaysaa dhaqamo aadlayaabto oo aad markaa istiraahdo waxbo meeha kuma haysid sidaana arinku maahan dadaalkaada ku soco ilaahay adookaashanayo iinshaa,alaahu waad arki doontaa hawsha aad hayso miraheeda inta aad jidka tarbiyada haysana yaysan ku niyad jabin mararka qaar dhaqamada aan haboonayn ee aad ku aragto ilmaha.
Koontaroolka aanu sheegayno waamidka xikmadaysan ee ilmaha waxtarka u,ah ee maahan kan waalidka qarkiis sameeyo ee ku dhisan tuhunka, jaajuusnimada iyo raacraaca, ilmaha in ladaba galo waxkaste oo uu suubiyana laga shakiyo, mararka qaarna lagu qabsado waxaan la hubin taas waxay dhalinaysaa aamindarro iyo mushkilad hor leh.
Maxamed ibraahim
maxamedibraahiim@hotmail.com
alqalamsom@hotmail.com
—————
Halkaan ka akhri Qeybtii koowaad ee maqaal ku saabsan tarbiyada awlaada.

wa maqall muhiim ah dhaman wadilinta somaliyeed ee doonayo inay ilmahooda noqdaan kuwa aakhiro iyo aduunba badbaado.
walalka qoray wanag Allaha ku abaal mariyo