Home » News »

Ra’iisul Wasaaraha oo maanta booqday Xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka (Sawiro)

Muqdisho, Somalia (AOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka Iskuul Polizia ee Magaalada Muqdisho.

Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto islamarkaana tilmaamay iney si wanaagsan ay howsha u socoto, wuxuuna intaasi ku daray in  Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudigii Farsamada ay si wanaagasan u wada shaqeynayaan.

“Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo  Gudiga Farsamada”.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa aad uga mahadceliyay howsha ay Ergada Ansixinta Dastuurka u hayaan Umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna Wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsaneyd oo ay u ansixiyeen Ergada iyo Gudiga Farsamada ee Xeer hoosaadka Dastuurka Soomaaliya.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ergada sida wanaagsan oo ay u wajaheen howsha Ansixinta Dastuurka, Wuxuuna kula dardaarmay maadaama uu wakhtiga ciriiri yahay waa inaad dadaal muujisaan waana ku faraxsanahay sida aad howsha u qeybiseen waxaana rajeynayaa inta dhimana iney si wanaagsan u dhameystirmi doonoo hadduu ilaahey yiraahdo.

Halkaan ka daawo masawiro kale oo ku tusaya booqashada Ra’isal wasaaraha Soomaaliya uu maanta ku tagay Xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka.

———-
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.