Muqdisho, July 29, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqday xaruntii Ergada Ansixinta Dastuurka Iskuul Polizia ee Magaalada Muqdisho.
Ugu horeyn Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Xoosh Jibriil, ayaa ka warbixiyay sida ay howsha u socoto islamarkaana tilmaamay iney si wanaagsan ay howsha u socoto, wuxuuna intaasi ku daray in Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudigii Farsamada ay si wanaagasan u wada shaqeynayaan.
“Ra’iisul Wasaare howshu waxey u socotaa si wanaagasan waxaana guda galney doodii ku aadaneyd Dastuurka, waa laga dooday xeer hoosaadkii waana la ansixiyay, Dastuurkana waa loo wada aqriyay Ergada, Waxaana howsha si hufan u wada Ergada Ansixinta Dastuurka iyo Gudiga Farsamada”.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warashadaha Xukuumada Soomaaliya Mudane C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa aad uga mahadceliyay howsha ay Ergada Ansixinta Dastuurka u hayaan Umadda Soomaaliyeed, Wuxuuna Wax lagu farxo ku tilmaamay sidii wanaagsaneyd oo ay u ansixiyeen Ergada iyo Gudiga Farsamada ee Xeer hoosaadka Dastuurka Soomaaliya.
Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Ergada sida wanaagsan oo ay u wajaheen howsha Ansixinta Dastuurka, Wuxuuna kula dardaarmay maadaama uu wakhtiga ciriiri yahay waa inaad dadaal muujisaan waana ku faraxsanahay sida aad howsha u qeybiseen waxaana rajeynayaa inta dhimana iney si wanaagsan u dhameystirmi doonoo hadduu ilaahey yiraahdo.
Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia



comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.