Home » Rayi »

Maxa hortaagan maal gashiga warshadaha wadankeena? Q.1aad – By Adan Jama Kahin

Marka hore akhristayaalka dhamaantiin waan idin salaamay.  Inta kadib waxan doonaya inan ka hadlo wax yar wax ka idha waxa hortaagan mandaqadan geeska Africa oo ay ku jiraan Somaliland iyo somaliaba in warshado hana qaada loo sameeyo si dadkuna shaqo uga helaan, isla markaana dhaqaalaha wadankuna u kobco.  Bal aan ku bilaaba ee dhinaca Somaliland oo iyadu ahayd meel nabad haysatay waqti dheer, loogana fadhiyay inay horumarka warshadu tisqaado ayaad mooda inaanu wax horumar la sheegi karo aanu samaynin.   Hadaba maxa talaw hortaagan taa,  bal marka horese aan wax ka idhaahdo.  Habdka maal gashiga caalamiga  marka laga hadlaayo.  Waxa shurudaha marku qofku meel maal gashanayo uu eega sidan soo socota:

1-  In horta wadankaas maal gelinta lagu samaynaya uu yahay mid siyaasadiisu degantahay oo Democratic ah isla markaana nabadgelyo la isku halayn karo leh.

2-  Siyaasadu dawladu waa caynkee ma mid dhiiri gelinaysa dhinaca ganacsiga iyo maal gashiga mise waa mid aan ahayn.

3-  In maamulka wadaankaasi uu yahay (Transparent) ama meel haba yaraatee aanu musuqmaasaq ka jirin.

4-  Dawladu ma dhiiri gelisa ganacsiga Xorta ah, isla markaana ma u samaysa maalgashayasha warshada ha ku hawlan ama beeraha iyo wax soo saarka cashuur dhaaf.

5-  Kaabayaasha dhaqaale oo iyaguna dawr weyn ka ciyaaraya maal gashiga sida wadooyinka oo kale,  imika haddii aan tusaale  u soo qaat matalan shirkadii Oodweyne ka saadaalinaysay Patrol ayaa shaqaalo hoodii baabuur shil galay, taasi waxay wax yeelaynaysa dadkii ku soo hiranlaha arrinta maalgashiga Saliida. Inkastoo aanay caqabad ku noqon karin oo laga yaabo inay hawshu sii socotaba.

Si kastaba ha ahaatee intaaas aan kor ku sheegay waa in ka mid ah shuruudahu qofku marku maal galin samayaayo uu ee eegto.   Haddii aan u soo jeesto dhinaceena.  Su’aashu waxa weeye waar somaliland imika 20 tan sano ayay nabad haysataa ee maalqabeen ku filan oo warshada abuuri karana way haysataaye ee maxaa hor taagan.   Sideedaba marka la doonaayo in wax la baadho waa in runta laga sheega macneheedu maaha qofkaasi wuu iga soo hor jeeda ee waa siduu u arko.

Anigu waxan qaba in Somaliland ay haysato maalqabeen wax qabankara haday isu tagaan, awood ay Warshada ku abuuraana leh.   Waxan sidaa u leeyahay waxan qaba in ay taa suur galnimadeedu dadka ku xidhan tahay laakiin waa in la fahma meesha wax iska qaban laa’yihin. Dadka reer somaliland hantida haysta wali waxay taagan yihiin nadaamkii ugu horeeyay ee ganacsigu ku bilaabmay kaasoo ahaa (Sole Trader) ama kaligi lahaanshe.  Markaa haday sidaa ku socdaan waligood horumar warshadayn oo la taaban karo ma gaadhi karaan.   Maxaan ku cadaynayaa taa ?  Waxba idinkama qarsoona oo tijaarta halkaa joogta ama kuwan qurbaha ka soo wareegay waxay ku socdaan wax la yidhaa (Mulkiilaha).Anigu ma garanyo dhaqankan wax keli lahaanshaha ah meeshu uu ka yimi ee ummadani markaan eegay in ay wax wada lahaadaanba ma rabaan rag badan oo hantiilayal ah inay sida sameyan waxanay doorbideen inay sida ugu badinayso.   Waxan xasuusta 3 wiig ka hor waraysi uu siiyay Tvyada Somalida nin madax ka ah Shirkadaha Somaliland, oo markii la waydiiyay wax isku darsiga ugu jawaabay, waar mawaxaad wax ku darsanaysa qof aanad garanayn oo hadduu doona ku dhacaya. Sideedana isku mid maaha qofkaligii wax qabsada iyo dad isutagay oo dadka badan baa ka awood badan qofka keligii. Taasina waxay muujinaysa inaanay jirin wax kalsooniya, haddii kalsoni la waayo oo qof qofna qof aamini waayo marka shirkado iyo warshado mid ma jirayaan.   Yuhuuda oo ah dad lagu qiyaaso ila 11 milion oof qof oo 5ka mid ihi ku nool yihiin Israel waxay ku gaadheen heerkan maalqabeennimada wax isku darsi.  Waligaaba London dhex maroo ma arkaysid nin Yuhuuda oo shaqo la’a ama dhibaataysan.

Sidoo kale, Hadaba dadkoo dhami sida ma wada aha, eeg bal Somalida waliba ka soo jeeda Konfurta.  Horta dhulkoodii dagaal baa ka socdo oo marka iyagu suura gal uma aha inay wadan dagaal ka socdo maalgeliyaan.   Laakiin Xagga dibada marka la eego mandaqadan Geeska Africa waa dadka ugu firfircoon isla markaana maanta ee bal UK, Europe, Africa iyo America waxay noqdeen dadkaasi dadka iska leh ganacsiga dadka ka yimi geeska afrika ee somalida ila in lagu qiyaasay 90%.

Su’aashu waxa weeye ilayn dadka ka yimaada mandaqada geeska Africa way badan yihiine maxay dadka Koonfurta uun u qaataan ganacsigii dibada oo dhan.

Intaanan su’aasha ka jawaabin waxaba arrinta cadeeyay Faisal Ali waraabe oo mar Televisionka laga waraystay isagoo reer somaliland ganacsig ku dhiiri gelinaya ayuu sheegaayay in dadkaasi meel walba ay kaga horeyaan dadka kale business.

Maxaa hadaba ay dadkaasun iyaga ganacsigooda u hori mariyay waayo dadkama shaqa badna kamana cilmi badna.  Anigoo kaashanaya Aqoontayda Academiga ah ee Ganacsi iyo waliba aniga oo ku soo koray Koonfurta Somaliya (Baydhaba) oo dadka si fiican u aqaana .  Waxay horu marka ku sameyeen  sidan soo socota:

1-  Marka hore ganacsiga ay ku leeyihiin dibada badana waa wada lahaansho, marka laga saaro qolooyinkii asalkoodu carabta ahaa ee Muqdisho degana kuwaasoo laftood family family wax u wada qabsada isla markaa khibrad dheer kula ganacsiga.  Bal  eeg imika Jeddah Saudi Arabia intii ka horeysay 1985 dukaan somali kuma lahayn maanta Somalida koonfurtu ila sadex suuq oo la kala yidha Jaziira, Suuq Somal, iyo Nazla yamaniya, iyo inta kale oo Jeddah ku kala faafsan taana kolay dadka Jeddah ayaa aad u yaqaan.

2- Is aamin iyo isku kalsooni, dadkaasi badana waxay u shirkaan asxaab, si dhib yarna way isku aaminaan.

3- Qof doonaya inuu samey ganacsi waa inuu ahaada qof khasaare ogol, (Risk acceptance)  taasina waa ta uu ku dhisan yahay ganacsigu sidiisaba inuu qofku riskiga qaato ,  sameey baadhitaan badan kadibna hawsha gal oo ha walaacin.

Waxan ku soo gabgabaynayaa haddii la doonaya in warshada la furo waa in wax wadalahanshaha la aqbala oo aniga keligay mulkiila ah laga saara meesha, waxa la yidhi mayd keeba ugu danbeyay wuxu yidhi waxa ugu danbeyay kaa la sii sido, taa waxa ka dhigan kii doraad laha waxan ahay mulkiilaha Taagaasida Hargeisa ee Cusub, haddii aad shaki qabto wax baad kala qoranaysaan waxanad ka tasdiiqaysaan Maxkamada.   Shirkada caalamkuba looyaro ayay leeyihin oo shuruucda u kala qoro.  Wuu horta fiicanyahay qofkasta oo ganacsi sameya waanan soo dhawaynaya laakiin waxa ka wanaagsan wax wada lahanshaha.

Mahadsanid.

Qoraalkan waxa qoray:

Adan Jama Kahin
Master Busines and Marketing
University of Bedfordshire, UK

Posgraduate Business Of Management
Norwegian School of Management
Oslo, Norway.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.