Home » News »

Dhageyso Khudbadii Ra’iisul waraase C/weli iyo Wasiirka dastuurka ay ka jeediyeen Shirkii lagu anisiyay maanta dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Kadib markii maanta Ergada Anisixnta dasruurka cusub ee Soomaaliya ay anisixiyeen dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa halkaasi khudbad ka jeediyay Ra’iisul wasaare C/weli Maxamed Gaas iyo C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ah wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay arimo badan oo ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya waxaana dhanka kale ra’iisul wasaaraha uu ku dhawaaqay in wixii maanta ka dambeeya laga baxay KMG.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa aad ugu mahad naqay ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dhawaan baarlamaanka cusub lasoo dhisi doono.

Dhanka kale wasiirka dastuurka ayaa isna dhankiisa waxa uu ka hadli doonaa arimo ku saabsan dastuurka cusub ee Soomaaliya iyo juhdiga la geliyay.

Halkaan ka dhageyso khudbadaha.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Dhageyso Khudbadii Ra’iisul waraase C/weli iyo Wasiirka dastuurka ay ka jeediyeen Shirkii lagu anisiyay maanta dastuurka cusub ee Soomaaliya. "

  1. Sudan mudug says:

    Waxaan isleeyahay malaha hadalka cabdi wali wuxuu u dhacaya ama aad moodaa sidii nin og sida wax isu badalayaan iyo halka dalku qaadayo marka bal aan dhowrno sida wax noqdaan haduu alle idmo wax san alle hanoo naadsho