Home » News »

Ergada Ansixinta Dastuurka oo maanta si aqlabiyad leh u Ansixiyay Dastuurka dalka iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka qeyb galay (Sawiro)

Muqdisho, Somalia (AOL) – Ergadka Ansixinta Dasuurka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh ku ansixisay Dastuurka dalka si KMG ah ilaa inta Afti dadweyne loogu qaadayo.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib-u-heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibrill ayaa markiiba ku dhawaaqay in Ergado 96% u codeeyeen dastuurka dalka. Halka inta kalene ay qaarna ay diideen inta kalena ay ka aamuseen. Wuxuuna Sidoo kale Wasiirku Cadeeyay in sidaa uu Dastuurka dalka uu ku yahay mid sax ah oo loo codeeyay.

Wuxuuna intaa ku daray Ergada shirka joogtay ay gaarayeen 645 xubnood, 621 ka mid ah ayaa ku codeeyay, halka  13 ergo ay ku codeeyeen ay diideen, Waxaana sidoo kale ka aamusay 11 xubnood.

Wuxuuna Wasiirku xusay in maanta ay Soomaaliya u tahay maalin taariikhi ah maadaama ay Ergado si Wadaniya leh ku ansixiyeen Dastuurka dalka.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli  Maxamed Cali ayaa sheegay in Soomaaliya maanta ay ka baxday KMG, wuxuuna tilmaamay in maanta dalka Soomaaliya uu leeyahay dowladd iyo dastuur.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cabdiweli wuxuu sheegay in ay dhamaadeen wixii loo yaqiiney Argagixiso iyo Burcad badeednimada Soomaaliya.

“Maanta waa maalin taariikh u leh Umadda Soomaaliyeed madaama ay Ergado Ansixisay Dastuurkii dalka, Waxaan maanta ka baxney KMG, maanta wixii ka dambeeyo waxaa inoo dhalanaya dowladd rasmi ah, Waxaa noqoney dowladd Dastuur leh”.

Wuxuuna intaasi ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in Shahaaddo Sharaf la guddoonsiin doono Ergada ansixisay Dastuurka si Umaddo ay mustabalka u xasuusato howshii ay u qabteen.

————
Abdinor Abdulkadir Mohamed (Daacad)
Press Officer, Communication Office of the Prime Minister
Mobile: +252-615 244689
Mogadishu, Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Ergada Ansixinta Dastuurka oo maanta si aqlabiyad leh u Ansixiyay Dastuurka dalka iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka qeyb galay (Sawiro) "

  1. Cirro says:

    ASC. Waxa shalay la ansiiyey ma ahayn Dastuur ee wuxuu ahaa wax la isku qasbaayey, waxaan waxba laga baddeli karin, waxaan comment laga bixin karin, waxaan la akhrin karin, wax qofkii wax ka sheega lagu leeyahay (Spoilers-kaad ka mid tahay), Dastuur waxaan u aqaan wax loo wada dhan yahay, oo laga dooday, lana turxaan bixiyey, oo ay qoreen quburo madax bannaan, kan qubaradii madaxa bannaaneyd waa la diiday oo waa la laalay kii ay soo qoreen, meeshan lix qof oo aan professional ahayn baa wax soo dhoo-dhoobay, hadalkoodiina wuxuu ahaa idinka waxaa la idiin keenay inaad ansixisaan bes ah. Kani Dastuur nooma aha !!!!! ee Soomaaliyeey yeynaan habaabine aan isku xukunno Kitaabka qur’aanka ah ee ilaahay uu na yiri isku xukuma.