Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta booqday degmada Balcad ee Shabeelaha dhexe waxaana halkaa uu kulamo kula soo qaatay aqoonyahanada iyo saraakiisha dowladda iyo AMISOM ee degamadaa ku sugan.
Madaxweynaha socodkiisa waxaa ku wehlinaayay saraakiil ka mid ah Xooga dalka Soomaaliya iyo AMISOM, waxaana markii ay Balcad tageen madaxweynaha uu bilaabay in warshadii dharaka ee Balcad ee kulamo kula qaato waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.
Kulamada oo caado qaatay ka dib madaxweynaha waxa uu u sheegay dadka ku dhaqan degmada Balcad in dowladda ay u balan qaadeso inay sugto amaankooda, waxaana uu dhankooda ka dalbaday in amaanka ay kala shaqeeyaan.
Socodka madaxweynaha ee uu maanta ku gaaray degmada Balcad ayaa waxay ka dambeesaa ka dib markii qaar ka mid ah waxgaradka Balacad ay sheegeen in dhibaatooyin ay ka jiraan degmadooda.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.