Waxaa lagu wadaa in maanta Magaalada Muqdisho lagu aaso Allaha u naxariitee majaajiliistihii caanka ahaa Marshaale oo xalay magaalada Xamar lagu dilay.
Marxuumka ayaa Meydikiisa waxaa laga soo qaadayaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana aaskiisa lagu wadaa inay ka qeyb galaan dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.
Sidoo kale waxaa aaska marxuumka ka qeyb gali doona Fanaaniinta ku sugam magaalada Muqdisho iyo sidoo kale shaca aad u badan oo aad u taageeri jiray Marxuumka.
Si kastaba ha ahaatee dilka Marshaale waxaa si kulul u cambaareeyay qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay dadkaasi dowladda ka dalbadeen in dilkaasi dadkii geestay cadaalada la horkeeno.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.