Qaraxyo Ismiidaamin ahaa ayaa saaka waxaa lagu weeraray halka uu ka soconaayo Shirka Ergada Anisinta Dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana qaraxyadaasi geestay dad naftooda soo biimeeyay.
Laba qof oo walxaha qarxa isku xira ayaa isku dayey inay gudaha u galaan halka uu ka soconaayo shirka laakiinse waxaa ka hor yimid ciidamo ka mid ah AMISOM, waxaana la toogtay mid ka mid ah dadkii ismiidaamiyay.
Dowladda TFG waxay sheegtay in qaraxaasi ay ku dhinteen dadkii is miidaamiyay islamarkaana aanay jirin cid kale oo waxyeelo halkaa kusoo gaartay.
Si kastaba maalmahaan ayaa magaalada Muqdisho waxaa ka soconaayay shirka anisinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana maanta si toos ah u socda u codeenta dastuurka oo cod gacan taag ah lagu ansixinaayo.
Cumar Cali Maxamed Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.