Home » News »

Gudomiyaha Xisbiga Tayo Drs. Maryan Qasim oo si weyn loogu soo dhaweyay Maagalada Muqdisho.

Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa manata Garoonka Diyaaradaha ee Adan Cade ee magalada Muqdisho kasoo dagay wafdi ay hogaaminayso Gudomiyaha Xisbiga Tayo Party Drs. Maryan Qasim.
Wafdigaan ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweyay Magaalada Muqdisho dadweyne aad u badan oo ka mid ah dadkii sida weyn u taagersanaa waxqabadki Xukumadi Tayo ee uu hormuudka u aha Mudane Farmaajo.
Soo dhaweyn diiraan kaddib Gudomiyaha Xisbiga Tayo Party Drs. Maryan Qasim ayaa ugu horeyn u mahad celisay dhamaan intii ka qayb qadatay soo dhaweynteeda waxayna hadal kooban oo ay u jeedisay Shacabkii soo dhaweynayay ku shegtay in Xoghayaha Xisbiga Tayo Party Dr. Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo uu dhawaan ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho si uu uga qayb qaato Dorashada bishaan 2o keeda ka dhacaysa Magaalada Muqdisho.
Dr. Maryan Qaasim ayaa waxay baaq diiran u dirtay Odayaasha dhaqanka Somaliyeed kuwooda ku mashqulsan xulida Xildhibanada Cusub ee Somalia, waxayna ugu baaqday in ay maanta u hiiliyaan qaranka Soomaliyeed ee siiliicaya soona xulaan xubno karti iyo wadaniyad isku darsaday qaybna ka noqon kara soo celinta Qaranimadii Soomaaliya.
Ugu danbeyn, gudomiyaha Xisbiga Tayo Party ayaa waxaay Magaalada Muqdisho kala kulantay soo dhaweyn diiran ayadoo markii ay kasoo baxday garoonka Adan Cade Airport loo galbiyay Hoygii loogu tala galay in ay ka dagto Magaalada Muqdisho.

———

Muuse Cisman Jamac
Muqdisho-Somalia
Muuse01@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Gudomiyaha Xisbiga Tayo Drs. Maryan Qasim oo si weyn loogu soo dhaweyay Maagalada Muqdisho. "

  1. las artes says:

    QANYARE: ““waan ognahay shirka dalka Kenya nalagu maaweeliyo, waxaana dareensanahay in dad gaar ah oo u adeegaya dowlado shisheeye oo doonaya in Soomaaliya ay ku jirto marxalad….” Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeyb galaysay shirka dib u heshiisinta ee ka socda dalka Kenya, hase yeeshee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay wadaan qorshihii ay ku qaban lahaayeen shir dib u heshiisin ah oo lagu wado in lagu qabto gudaha dalka. “Waxaa socda wada hadalo aan la yeelaneyno dad muhiim ah oo aan shirka looga maarmin, waayo ma haboona inaan shirka iska qabano, iyadoo aan lagu casuumin dadkii wax ka tari lahaa inuu shirka hergalo “ ayuu yiri Maxamed Qanyare Afrax oo maanta u waramayay mid ka mid ah Idaacada Muqdisho. “waan ognahay shirka dalka Kenya nalagu maaweeliyo, waxaana dareensanahay in dad gaar ah oo u adeegaya dowlado shisheeye oo doonaya in Soomaaliya ay ku jirto marxalad dowlad ah ay shirka sheegayaan in ay wax ka soo baxayaan, kuwaasi iyo dowladaha ay u adeegayaan ee Itoobiya iyo kuwa kale waa isku mid” ayuu mar kale yiri Maxamed Qanyare. Maxamed Qanyare ayaa hadalkan oo kale kal hore ka jeediyay shir ay yeesheen G-8-ka iyo dowlada kmg-ah, kaas oo ka dhacay magalada Muqdisho., hase yeeshee waxaa jiray hadalo kasoo yeeray siyaasiyiin ku sugan shirka oo sheegay in dadka doonaya in gudaha dalka shir lagu qabto ay yihiin dad ka soo horjeeda arrimaha dib u hehsiisinta. Maxamed Cali Maxamuud (Madka) madka@somaliuk.com, Mogadishu, Somalia.

  2. aarlibax says:

    samaalidu way idin sogayeen gudoomiye aad ayaan usoo dhawaynaynaa
    haleeyada xibiga tayo waxaan idiin rajaynaynaa in aad ku guulaysataan madaxtinimada dalkeena

  3. silver price says:

    Xarun Cusub ee uu xisbiga Cadaalada iyo sinaanta ee Tayo Party ayaa waxaay qabanayasa Diwaangalinta xubnaha Cusub ee Xisbiga tayo ku soo biraya iyo isku xirka guud ee Shacabka Somaliyeed ee dagaan Wadanka Norway iyo Hogaanka Sare ee Xisbiga Tayo Xafiiskan ayaa waxaa uu sido kale ka qayb qadaan doono Olaolaha Xisbiga Tayo u ku doonaayo in uu ku qabto hogaanka Dalka Somalia 5ta sano ee soo socota.