Bismilahi Raxmani Raxiim.
Asalamu Calikum Waraxmatulaahi Wabarakaatu.
- Salaan iyo Mahadcelin.
- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya.
- Sheekh Shariif Sheekh Axmed
- Gudoomiyaha Baarlamaanka.
- Shariif Xasan Sheekh Aadan
- Golaha Wasiiradda, Xildhibaanada.
- Ergeyga Gaar ah ee Xoghayaha QM u qaabilsa Soomaaliya
- Ambassador Augustina Mahiga
- Ciidamada Xoogga dalka, Booliska iyo Kuwa AMISOM
- Dowladaha IGAD,Ethiopia,Kenya,Djabouti,Uganda,Burundi, iyo Sierra leone,AU, Arab Leage, iyo Dowladaha kale ee Saaxiibada la ah Soomaaliya.
Dhamaan Shaqaale, Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Technical Committee, Gudigga IFCC & ICO, Ergooyinka Ansixinta Dastuurka, Dhalinyarada, Dumarka, Aqoonyahanada iyo Ururada Bulshada, Ciidanka Amniga, Fanaaniinta, Kooxda Baambeyda, iyo Bahda Saxaafadda.
Waxaan ku faraxsanahay in maanta aynan aheyn Kumeel Gaar oo aanu nahay dowladda Federalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed ayaa ka warbixiyay Wax Qabadka Xukuumadda Badbaado Qaran.
Wuxuuna ugu horeyn ka warbixiyay.
Amniga.
- Gobalada La xureeyay
- Al-Shabaab iyo Al-Qaacida oo laga xureeyay Muqdisho.
Dib-U-heshiisiinta.
- Isku xirka Gobalada iyo Maamulada
Dowladda Wanaaga
- Kor u qaadida tayada Shaqaalaha dowladda
- Tashiilka Dakhliga
- Sameynta Hay’adda la dagaalanka Musuqmaasuqa.
- JFMB
Dastuurka
Ansixinta Dastuurka iyo ka bixida Kumeel Gaarnimada
Guulaha Xukuumadda Badbaado Qaran.
Mudanayaal iyo Marwooyin Waxyaalaha Xukuumadeyda Badbaado ay ku guuleysatay Waxaa ka mid ah.
- Maareyntii Abaaraha iyo Masiibooyinka
- Kumanyaal arday oo waxbarasho loo direy
- Xiriirkii Adduunka oo dib-u-soo laabtey Erdogan,Ismail Cumar Geelle, Banki Moon IWM.
- Isku xirka dalka iyo Adduunka oo hal maalin ilaa 5 Diyaaradood ka so odagaan
- Jawi ay Soomaali maanta inta soo laabatay u soo diyaar garoobaan doorasho
RAJADA
- Ku meel gaarkii oo laga baxay
- Ciidamada Soomaaliyeed oo la tayeeyo lana daryeelo
- Muwaadiniinta Soomaaliyeed oo hela Xuquuqdooda Bini’aadanimo sida:
a) Fikirka Xorta ah
b) Saxaafada xorta ah
c) Xuquuqda Naafad, dhalinyarada iyo dumarka oo la ilaaliyo
d) Daryeelka danyarta iyo Agoonta
WAXAAN ARKAA
- Ifafaalo fiican baan arkaa
- Sharafta iyo Midnimada Soomaaliya baan arkaa
- Iskutashi Soomaalinimo baan arkaa
- Mustaqbalkii caruurteena oo fiican baan arkaa
- Sharcigii oo la raaco baan arkaa
- Booliiska oo shaqadoodii hastaan arkaa
- Gobaladdii Soomaaliyeed oo kala qoqobnaa oo isku xirmayaan arkaa
- Dowladaha Dariska ah iyo kuwa Caalamka oo danaynaya dowladnimada Soomaaliyeed baan arkaa
- Dumarka Soomaaliyeed oo la daryeelo 30% baan arkaa
- Gaajadii baahday oo la ciribtirey baan arkaa
- Qaxootigii gudaha iyo dibada oo dalkoodii ku soo noqdey baan arkaa
- Soomaali oo midowdey baan arkaa
- Aqoontii oo la kocbiyey baan arkaa
- Dib u soo nooleyntii ilaheenna dhaqaalaha baan arkaa
- Musuqmaasuqa oo aan la dirirney baan arkaa
- Xaalufintii bey’adda Bad iyo Birri io Kheyraadka dabiiciga sida Dhuxusha oo la xifdiyey baan arkaa
- Dalka oo dhan Shabaab ka xorowday baan arkaa
- Gobaladii oo dhan oo nabadoodii iyo bilicdoodii u soo noqotey, dadkuna isu gooshayaan baan arkaa
- Caalamka oo xiiso gaar ah soomaaliya siinaya baan arkaa
- Dadkoo masaajidada galaya oo iyaga oo weli nool baan arkaa
- Wiilasheenii iyo Gabdhaheenii oo School aadaya aan qarax lagu xireyn baan arkaa.
Aragtidaasna waxay u baahan tahay midnimo,Soomaalinimo, iyo Gacmo wadajir ah oo dhamaanteen wada dhisno wadankeena, isku tiirsanaano, iskuna tashano.
GUUL, MIDNIMO, SINAAN IYO CADAALAD
————–
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Press Officer, Communication office of the PM
Mobile: +252-615 244689
Mogadishu, Somalia.











comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.