Maalinta beri ahi waxaa lagu wadaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ay kulan ku wada yeeshaan mas’uuliyiinta ugu sareysa ee dowladda TFG iyo xoghayaha arimaha dibada wadanka Mareekanka Hillary Clinton.
Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sh. Axmed, Ra’iisul wasaarahiisa C/weli Gaas, iyo Afhayeenka Baarlamaanka TFG Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa tagi doona Nairobi waxaana ay la kulmi doonaan Hillary Clinton oo halkaasi safar ku imaanaysa.
Arimaha laga hadli doono ayaa waxaa ka mid ah Marxaladaan kala guurka ahi ee Soomaaliya ay mareyso, sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Road Map-ka iyo sidii loo meel marin lahaa in Soomaaliya ay ka dhalato dowladda dhexe.
Kulankaan ayaa marti gelintiisa waxaa leh dowladda Mareekanka, waxaana dowladda Mareekanka ay ka mid tahay wadama sida aadka ah ugu dhuun daloola arimaha wadanka Soomaaliya.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.