Home » News »

Munaasabad lagu xiraayay shirkii ansixinta dastuurka oo maanta ka dhacday dugsiga Jeneraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.(SAWIRO)

Maanta Dugsiga Jeneral Kaahiye ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacday Munaasabad lagu soo gaba gabeenaayay shirkii Ergada Anisinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana Munaasabadaasi ka qeyb galay mas’uuliyiin aad u badan.

Halka ay munaasabada ka dhaceysay waxaa ku sugnaa Madaxweynaha dowladda TFG, Gudoomiyaha baarlamaanka, Ra’iisul wasaare Gaas, Ampasador Mahiga, Wasiirada xukuumada TFG, Maamulka Gobalka Banaadir,Saraakiisha ciidanka dowladda Xubno ka socotay Caalamka, Safiiro,Kooxda Heegan, Kooxda Baambeyda iyo marti sharaf.

Waxaa halkaasi ka hadlay dhamaan mas’uuliyiintii xafladaasi ka qeyb galay, iyagoona ku dheeraaday ka hadalka Munaasabada iyo sido ay ugu faraxsanyihiin in la ansixiyo dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in taariikhda baal dahab ah ay ka gali doonaan ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya maadaama ay meesha ka sareen wararka sheegaaya in Soomaalida ay wax qabsan karto.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadalay Shariif Xasan, Ra’iisul wasaare Gaas, iyo Mahiga, waxaana ay ka wada sinnaayeen u hambalyeenta Ergada ansixisay dastuurka iyo intii dastuurkaasi kasoo shaqeysay.

Waxaa kaloo iyana halkaasi ka hadlay wasiiro badan oo ka mid ah xukuumada TFG oo mid walba uu ka faaleenaayay wax qabadka xukuumadiisa, waxaana ugu dambeen Munaasabada ay kusoo gaba gabowday jawi aad u degan.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.