Home » News »

Nin injineer ah oo wax ka dhisaayay garoonka Caabud Waaq oo maanta magaalada B/weyne lagu dilay.

Cali Xaaji Shirwac oo ahaa Injineer dhanka garoomada ayaa maanta kooxo hubeysan waxay ku dileen magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Ninkaan ayaa la sheegay in maalmahaan dambe uu ku howlanaa dhisida garoomada Caabudwaaq iyo garoonka Ugaas Kahliif ee B/weyne, lamana oga cida dilkiisa ka dambeysay.

Dadkii dilkaan geestay oo bistoolado ku hubeesnaa ayaa la sheegay inay goobta dilka uu ka dhacay ay isaga baxsadeen, waxaana ciidamada dowladda TFG ay wadaan howlgalo arintaasi ku saabsan.

Dhanka kale maamulka gobalka Hiiraan mas’uuliyiin u hadlay ayaa si kulul u cambaareeyay dilka Injineerkaan iyaga oo sheegay in lagu raad joogo cid walba oo falkaasi ka dambeysay.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.