Home » Rayi »

Soomaaliya oo noqotey Dhari dab saaran oo Damallo waaweyn ay ku shidan yahiin! By Durraac Cabdullaahi Shurwac

Soomaaliya burburkii Qaranimo kadib waxay noqotay (Dhari dab saaran oo 3 dhardhaar leh oo ay hoosta kaga shidan yahiin Damallo waaweyn oo aan damayn),Taasoon la ogayn goorta ay kar dhigi doonto ama uu dami doono dabkaas huraya oo hoosta kaga shidani.

Markey luntay Dawladnimadii Soomaaliya sanadkii 1991-dii ilaa iyo hada waxaa soomaaliya dul heehaabaya haad aad moodo ineey aragtey raq dhulka taalla oon helin fursad ay si toosa ugu soo dagto si ay u hantido waxa ay sahan sanayso oo dhulka ka yaala,inkastood moodo ineey hada soo caga dhigteen haadaas dul heehaabaysey racii ugu horeeyey ineey mudooyinkan soo caga dhigteen,inta kalana ay sahan iyo fursad ay kusoo dagaan u noqon karaan.

Waxaad moodaa ineey hadda Shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen maaweeladii Beesha Caalamka oo soo taxnayd tan iyo markii uu dhacay Qaran burburku, taasoo ay ahayd mid lagu abaal mariyey Shacabka Soomaaliyeed waxay iyagu isku markadeen ama masiiibadii iyagu sababta u ahaayeen oo gacmahooda ku keensadeen,Taasoo ah eed Soomaalida gaar u ah oo ay inta badan qoowmiyado kale dusha ka saaraan, (Waana tii illaahay kalimadkiisa ku sheegay Qoon aan iyagu is dulayn maahane-Qoom kale Illaahay ma duleeyo).

Dhulka Soomaaliyeed ee colaadda, abaarta, qaxa, dilka iyo dhacu daashadey waa gobbolada dhaca bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya laga soo bilaabo gobolka Mudug illaa lagu tago xaduuda dheraran ee Kenya iyo dhanka Ethiopia weli deegaanadaas uu ka taagan yahay 21-ka sano colaaddaas hari weydey, kooxaha beesha caalamka lagu sheego oo hantida badan ku lunsada magaca Soomaaliyeed dib u heshiisiin iyo horumarin dhaba uma raadin goboladaas Koofurta Soomaaliya dhaca,iyaga Soomaalida ahna ma raadin dib u heshiisiin iyo nabad la dhex dhigo Beelaha walaalaha ah ee ku nool deegaamadaas.

Waxaa caado u noqotey inta Siyaasadda in ku waalatey ee Soomaalida ah kana hesha san dareertada gaarka ah iyo been hawaasyada la magac baxay beesha caalamka qaarkood ineey 4-tii sanaba mar soo abaabulaan mashruuc la magac baxay (Dib u heshiisiin iyo Dawlad Soomaaliya loo dhisayo), taasoo aan illaa iyo hadda aan la hayn wadadii loo mari lahaa dib u heshiisiinta dhabta ah ee lagu hadaaqo in laga hirgelinayo Soomaaliya.

Caqliga saliimka ahi marnaba ma qaadan karo suuragalna uma ahan in qowmiyad dhan oo Qaran burbur soo taagnaa 21 sano uu ku dhacay la yiraahdo dushaan kasoo dhisaynaa Dawladnimadii iyadoon hoosta laga soo bilaabin aas-aaska haykalka dawladnimo,waxaad taas ku ogaan kartaa ineey huuhaa iyo been la matalayo ay tahay, soomaaliya siyaasiyiin ku sheegtoodii waxaa afartii sanaba mar lagu mashquuliyaa waxaan idiin dhisaynaa Dawlad soomaaliyeed taasoo ah mid ka kooban 3-dii masuuliyad ee ugu sareysay oo qura oo ah (Madaxweyne, Raysal-wasaare, iyo Xildhibaan oon anigu u aqaano (Xaldhibaan), taasoo noqon karta ama u dhiganta (Guri dhawr dabaq ah  oo la doonayo in la dhiso oo isagoon aas-aaskii hoose loo taagin dhismahiisa dusha laga soo bilaabo, Maxaa laga filan karaa? taas ayey u dhigantaa Dawladdahaan loo durbaan tumo afartii sanaba mar in la dhiso oo ay ugu danbeyso tan hada hawsheeda lagu mashquulsan yahay oo lagu hardamayo (Xaldhibaan, Madaxweyne, iyo Ra,isulwasaare, oo qura oon lahayn baalashay ku duuli lahaayeen),Taasoo keenta fashilka soo dag daga oo dhaliya ineey si sahala u burburaan isku day kastoo yimaada oo aan loo marin wadadii la rabey oo ah dib u heshiisiin dhab ah oo laga soo bilaabo(Tuulo, Degmo, Gobol, ama Qabiil, Beel, Jilib ama Jifo iwm).

Durbaanka iyo reemaha loo garaaco siyaasiyiinta soomaaliyeed ee beenta ah waxaa awal looga tumi jirey dalalka dariska ah oo ay u ceel yeelan jireen, mudooyinkan dambe waxaa soo baxdey ineey mashruucaas kusoo biiraan odey dhaqameedkii, oo weliba sheekadii afrika ku koobnayd mid ka dhawaaq dheer looga garaaco dalalka yurub ,Siyaasiyiin iyo odey dhaqameed hada kusoo biirey oo kala ujeedaana diyaarado inta lagu dabaalo shir la isugu geeyo, waraaqo iyo ajandayaal diyaarsanaana saxiixeeda u kala hor maraan taasoo duuduub kusoo biyo shubanaysa maahmaahdii ahayd (Reer Ba’oow yaa ku leh).

Hada olole balaaran oo dawlad rismiya in loogu gudbi doono lagu sheegay ayaa ka socda magaala madaxdii soomaaliyeed ee mugdisho taasoo dhaanta durbaankii laga tumi jirey dalalka dariska ah iyo beesha caalamkaba, maadama mugdisho ay tahay magaalo madaxdeenii ugu nasiibka dareyd magaalo madaxyada aduunka oo uu si aada u saameeyey burburkii iyo colaadii ba’anyd ee nasoo daashadey, hadana qof kastoo caqli leh waa dareemi karaa Inaanay meeshaan waxba kasoo socon.

Sababtoo ah dad 21-sano shacab dirir iyo colaad iyo weliba qabaa’ilo diriray ah oo tuhun iyo jilaafayn ay dhextaal oo aanay jirin meel iyaga qudhooda lagu soo heshiisiiyey ama waxa dhexyaal lagu soo turxaan bixiyey in la yiraahdo kaalaya mugdisho imaada dawlad baa la,idiin dhisayaa eh waa wax caqliga ka fog.

Tusaale:

Soomaali waa dad is yaqaano oon hada isu dhurwaayeynayn la isna xog ogyahay,gobolada koofurta soomaaliyeed gobol ka mid ah ayaa waxaa ka yimid ergo lagu marti qaadey shirka oo isugu jirta Odey dhaqameed,Siyaasi,ururo haween ,Qurbo joog aad moodo iyagiiba ineey noqdeen horror diirataa ama inuu caqligoodu fooraraba,intaas oo Hal beel ka socota ayaa shirka mugdisho la isugu keenay oo kaaaga darane nin nin la hadlaaya aanu ku jirin oo kala ujeedo ah,hadaba dib u heshiisiin ay sameeyaan oo soomaalidii kale wax la qaybsadaan iska daaye ,beelo dhan oo aan iyagu wada hadlayn maxay soo kordhin karaan,Koofurta soomaaliya beelaha ku noolna waa kuwo ku jira marxaladaas oo kale ama kasii daran,(maxuuse noqon karaa Xildhibaan kala dhimasho lagu helay,madaxweyne uu soo doorto,,Raysal wasaare uusoo sharaxdo) dawladeey hormuudka ka yahiin maxay soo kordhin karaan?

Talo bixin -Dib u heshiisiinta dhabta ah waxuu ku hirgeli karaa sidan:
Soomaaliya nabadeedi waxaa lagu soo celin karaa in la yeelo labo arimood middood:

A). In kooxaha afka duuban ee alshabaab loo qafiifiyo ganaaxyada la dulsaarey si looga dhaadhiciyo in ay ka qayb qaataan soo celinta nabada iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya, eraydaas markaan iraahdo waan ogahay dad badan baa didi doona laakiin hadii xal dhaba la rabo waa in gorgortan lala gala cidkasta oo caqabad ku noqon karta ama wax u dhimi karta dib u heshiisiinta soomaaliya, alshabaabna waa awood jirta oon la inkiri Karin, ood moodo hada ineey agoontoobeen kadib markuu geeriyoodey jilaagii aabaha u ahaa ee Binlaadin, inkastoo la oron karo kii marxuumka badalaaba waa aabahood balse waxaa la dareemi karaa inta soomaalida dhextaalo ineey ayagaba dhextaalo oo aanay alshabaab isu wada laab xaareyn oo ay la yahiin cid dhexgasha ama la gorgortanta, dhanka beesha caalamkana waxaa jira tuhun ah in hadeey daacad ka tahay nabad raadinta soomaaliyeed ineey dhalinyarada ay is fahan ka abuuri karaan.

B). Soomaaliya haddii laga doonayo in loo helo dib u heshiisiin dhaba iyo nabad galyo waarta kuma jirto in diyaarado lagu daabalo oo la isugu geeyo dalalka afrika iyo yurub ama la isugu geeyo mugdsho oo la yiraahdo Dawlad dhisa iyadoon dib u heshisiin la samayn,  Soomaaliya dhibka iyo colaadda daba dheeraaday waxuu ka taagan yahay koofurta iyo bartamaha soomaaliya, Gobolada kala ah-Mudug, Gal-gaduud, Hiiraan, Shabeelaha dhaxe, Banaadir, Sh-hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada dhexe, iyo jubbada hoose.

Waxaan aaminsanahay haddii loo maro dhanka goboleysiga ama beelaysiba in la heli karo xal lagu gaari karo dalad guud iyo qaranimo taamo, tusaale gobol kamid ah goboladdaas aan kasoo qaadano sida is fahan iyo dib u heshiisiin looga abuuri karo, Waxaan aaminsanahay in 45 cisho aanay ka badnaan Karin in gobolkaas dadka dagan la dhexdhigo is fahan hadii loo abaabulo shir dib u heshiisiin ah gobolkasta dadka dagaa waa dad walaalo ah oo ood wadaaga oo is yaqaana waxaana ka dhiman oo qura in loo fududeey sidii fursad loogu siin lahaa ineey six or ah u wada hadlaan una falanqeeyaan danaha dhexyaala,Hadii aanay suura gal ahayn ineey deegaankooda lagu shiriyo arimo amaan awgeed waxaa martigelin kara iyaga gobol kale ee Soomaaliyeed, gogashana u dhigi kara kuna wada hadli karaan.

Hadii 11-kaaas gobol ee ku yaala Koofurta Somaaliya la siiyo fursaddaas in dib u heshiisiin laga bilaabo lana dhex dhigo Isfahan inuu ku jiro xalka dhabta ah ee soomaaliya,kaasoo ah mid ka dhib yar kana qarash yar shirarkii dib u heshiisiinta ahaa ee horey loo samayn jirey, Haddii gobolkasta oo soomaaliya ah loo furo wadadaas dib u heshiisiinta ama qaab qabiil heshiisiintu ha u dhacdo ama mid gobol eh waxaan qabaa inuu soo dhawaan karo xalka Soomaaliya, markaasna la yiraahdo gobol walboow soo dirso xubnihii Xaldhibaanada idiin matali lahaa kuwwasoon ku dhisnayn qaabka qabiilka foosha xun ee hada jira,oo lagu so xulanayo qaab is fahan gobol ahaana ama aqoon ah, taasaad moodaa ineey ad uga dhib yaraan lahaydxarig jiidka hada taagan oo aan kusoo hungoownay 21-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaan kusoo gaba gabaynayaa qormadeydan soomaaliya uma baahna Lugooyo ee waxay u baahan tahay waxqabad biloowgeedu uu ka yimaado masuuloiyiin,mawaadiniinta iyo shacabka soomaaliyeed aduunkana iyagoo wada jira 65% u muujiyaan hadafka iyo ula jeedada dhabtaa ee uu ugula muuqdo in lagu gaari karo dib u heshiisiin iyo horumar taam ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo.  Soomaliyeey aan iska dayno waxii nasoo hodey oo ahayd nin jeclaysi ama beel jeclaysiga aan ku badalano walaalo illaahay dartiis isku jeclaada waxaanan dhamaantiin idinka codsanayaa waa bil Rabadaane (In qof kastoo soomaaliya oo uu ku waajibo Ramadaanku oo sooman inuu Illaahay u baryo dadkiisa iyo dalkiisaba xiliga cibaadada uu ku jiro bishan rabadaan,inuu Illaahay ka saaro Umadda Soomaaliyeed dhibkaan soo daashadey,colaada iyo dhiigan daadanaya, duca gaar ah  iyo mid guudba Soomaaliyeed dalkiini u duceeya, Insha Allaah, ( WABILLAAHI TOWFIIQ).

————-
Durraac Cabdullaahi Shurwac
London, United Kingdom
Email.durta21@hotmail.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Soomaaliya oo noqotey Dhari dab saaran oo Damallo waaweyn ay ku shidan yahiin! By Durraac Cabdullaahi Shurwac "

  1. Bashiir says:

    Asc
    Illahow kasaar umadeena colaadaan daashatay mudadan dhan ama kaba badan kow iyo labatanka sano Illahow umadena isfahanka ka qaldan qalbigoda isu jilci Illah dowladnimadena iyo kala dambentena no so celi Illahow nabad waarta na siiiiii….. Aamiin Aamiim.