Taliyaha ciidamada Nabad sugida gobalka Banaadir Khaliif Axmed Erag ayaa saaka waxaa lagu weeraray qarax Miino oo dhulka lagu aasay, iyadoona uu ka bad baaday taliyaha.
Miinada ayaa ahayd nooca dhulka lagu aaso waxaana lagu qariyay meel wado ah oo inta badan taliyaha uu soo maro marka uu gurigiisa ka yimaado.
Jenraal Axmed Xasan Maalin oo ah taliyaha Booliiska gobalka Banaadir ayaa warbaahinada Xamar ka howlgala waxa uu u xaqiijiyay in taliyaha qaraxaan lala eegtay waxaana uu taliyaha sheegay in la qabtay ruuxii Miinada Qarxiyay.
Dhanka kale Khaliif Axmed Erag oo qaraxaan lala eegtay weli wax war ah kama aanu bixin weerarkaan lala beegsaday, balse waxaa weli socota baaritaan lagu haayo qofka la sheegay in Miinadaan uu qarxiyay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.