Waxaa si toos ah dugsiga Jeneraal Kaahiye uga soconeysa munaasabada xiritaanka shirka ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana halkaa ku sugan madax aad u badan.
Shirka waxaa ku sugan madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, Ras’iisul wasaare Gaas, Wasiirada xukuumada, Marti sharaf, maamulka gobalka Banaadir, Xildhibaano, Fanaaniin, kooxda Bambeyda, iyo saraakiil ka kala socota dowladda iyo AMISOM.
Waxaa toos u socota khudbadaha ay jeedinaayaan mas’uuliyiinta kala duwan ee halkaasi ka hadlaaya, waxaana gaba gabada kulanka hadli doona madaxda dowladda ugu sareysa.
Shalay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu ansixiyay dastuurka cusub ee Soomaaliya oo maalmo aad u badan laga doodaayay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya

Ma idnkaa u bixiyey gen. kaahiye, iskuulkaa anagu waxaanu u niqiin
” Scoula Polizia” ama dugsiga tababarka bileyska maxey tahay kahiye iyo kulmiye jimcaale janaqow iyo waxan aad gureysaan.