Xarakada Al-shabaab oo faah faahin ka bixisay qaraxii shalay lala eegtay halka uu ka socday shirka Ansixnta Dastuurka.
Afhayeenka dhanka ciidamada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa saxaafadda u faah faahiyay weeraradii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday banaanka halka uu ka soconaayay shirka ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya.
Abuu Muscab waxa uu sheegay in weeraradaasi ay u dhaceen qaabkii loo qorsheeyay oo ay ku dileen askar badan oo ka kala tirsan kuwa midowga Afrika iyo dowladda TFG waa sida uu yiriye.
“Laba Mujaahid ayaa usuurta gashay inay gudaha u galaan halka lagu qabanaayay shirka iyadoo amaankana ay aad u adkeeyeen, laakiinse waa lagu guuleestay weerarkaasi”
Shalay ayaa laba nin oo walxaha qarxa soo xirtay waxa ay weerar Ismiidaamin ahi ku qaadeen Dugsiga Jeneraal Kaahiye oo uu ka dhacaayay shirka ergada anixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, laakiin qaraxyadaasi ma aanu geesan qasaare aad u badan.
Halkaan ka dhageyso Codka Abuu Muscab
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


Isagoo u kudbaynayay dad boqolaal gaaraya sabtidii shalay, Sh. Xasan Daahir wuxuu digniin u jeediyay odayaasha dhaqanka ee hada u fadhiya inay soo xulaan gudiga ansixinaya dastuurka. wuxuu cadeeyay arrintaas ay wadaan odayaasha inay ka dhigan tahay in god loo horseedayo ummadda Soomaaliyeed.