General C/kariin Yuusuf Aadan (Dhega badan) ayaa mar uu faah faahin dheeraad ah ka bixinaayay howlgaladii ay maanta kula wareegeen deegaano ka mid ah Sh/hoose, waxa uu sheegay inay ku wajahyihiin magaalada Marka ee xarunta gobalkaasi.
Abaanduulaha waxa uu sheegay inay la wareegeen deegaano badan oo Shabeelaha Hoose ka mid ah, waxaana uu tilmaamay in xilliyada soo aadan ay gaari doonaan meelo kale oo hor leh.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Xarakada Al-shabaab ay ka kala carareen deeganadii ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda TFG waa sida uu yiri abaanduulaha.
Maanta ayaa ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM waxay la wareegeen deegaano ay ka mid tahay No 50 oo Al-shabaab ay maamuli jireen.
Halkaan ka dhageyso Codka Abaanduulaha.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.


comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.