Home » News »

Prof. Maxamed Cumar Dalxa “ Baarlamaanka cusub waa inuu noqdaa mid xaaladda dalka wax ka bedili kara”

Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka ee ugu aqoonta badan ayaa sheegay in Madaxdhaqameedyada la siiyo madaxbannaani ay ku soo xulli karaan Baarlamaan tayo leh.

“ Haddii ay jirto in odayaasha dhaqanka lagu hayo faragelin, arintaasi waa meel kadhac weyn, waanna in ay caddeeyaan madaxdhaqameedyadu cidda faragelinta ku hayso” ayuu yiri Prof Dalxa isagoo aad u caraysan.

Waxaa sidoo kale prof. Dalxa uu ku baaqay in Baarlamaanka cusub uu noqdo mid tayo leh oo xaaladda dalka wax ka bedeli kara.  “Looma baahno in baarlamaanka cusub uu noqdo mid wixii la doono lagu shubto, isla markaana la kala iibsado, waa in uu noqdaa mid madaxbanaan oo caddaalad ku shaqeeya” ayuu Dalxa markale yiri.

Si kastaba ha ahaatee hadalkaan uu ka dhawaajiyay prof. Dalxa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xilli la sheegay in magaalada Muqdisho ay si xowli ah oga socoto, kala iibsiga xaldhibaanada cusub, isla markaana ay odaashu dhaqanku sheegeen in faragelin ba’an lagu hayo.

Xafiiska warqabadka ee Muqdisho.

Daahir F. Afdheere
gulan1969@yahoo.co.uk

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Prof. Maxamed Cumar Dalxa “ Baarlamaanka cusub waa inuu noqdaa mid xaaladda dalka wax ka bedili kara” "

  1. mohamed says:

    Waxaa aad iyo aad foolxumo ah in Isamada faragelin lagu sameeya,waayo
    Howsha ay Ummada u hayaan waa howl aad iyo aad xasaasi u ah,waa mus-
    taaqbalka Ummada Somaaliyed,sidaas darteed waxaan soo jeedineyna
    in laga Daaya Faragelinta,ayna soo Xulaan Xildhibaano Tayo leh si ay u
    doortaan Madaxweyne Tayaleh.w.Towfiiq

  2. Nna says:

    Maansha allaah very nice song..waa arin gabar ooalmai ah ku dhacday maxaa yeelay niman badan gabdha way lugooyaan ayagoon fiiro fiican u yeelan wax ay gu luminayaan gabdhaha masaakiinta ah oo walaalohooda. war ragoo isku xishooda illahayna ka baqa idinkuba bari gabdhadaan dhalaysaan wayna idin la dhasheenthanks ..