Ciidamada dowladda TFG ayaa maanta howlgalo ay dad badan kusoo qab qabteen kuna baadi goobaayeen dadkii ka dambeeyay dilkii maareeyahii garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade magaalada Muqdisho waxay ka sameeyeen degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada waxay gacanta kusoo dhigeen in ka badan 20 qof oo shacab ah waxaana dadkaa lagu xir xiray saldhiga ciidanka booliiska ee degmada X/weyne, waxaana dadkaasi lagu hayaa baaritaano aad u balaaran.
Korneel Maxamed Daahir oo ah taliyaha saldhiga Afar Irdood ee degmada Xamar weyne ayaa sheegay in howlgaladaan ay ahaan doonaan kuwo socda ilaa gacanta looga soo dhigo dadkii ka dambeeyay dilka maareyaha Garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqisho.
Degmada X/weyne waxaa maalmahaan dambe kusoo badanaayay falal ka dhan ah amaanka guud ee degmada, waxaana xalay halkaa lagu dilay Mareeyaha Garoonka Aadan Cade xilli uu masjid kasoo baxay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.