Kummanaan dadweyne ah ayaa isugu soo baxay waddada Maka Al-Mukarama, kuwaas oo watay Sawirka madaxweynaha, boorar waaweyn iyo dhar lagu sawiray muuqaalka iyo magaca madaxweynaha.
Sidoo kale boqolaal dadweyne ah oo intoo kale sita ayuu madaxweynuhu ku gacan qaaday garoonka diyaaradaha ee Adde Cadde.
Shir jaraa’id oo uu ku qabtay Garoonka diyaaradaha ayuu madaxweynuhu uga warbixiyay kulankii uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Hellery Clinton. Wuxuuna sheegay in mareykanku ay Soomaailya ugu hambalyeeyay horumarka ay ka sameysay dhinacyada siyaasadda, Ammaanka iyo bani’aadamnimada.
“Hellery waxaan ka wada hadalnay horumarka la gaaray iyo sida ay tahay in loo sii xoojiyo, dhinaca amniga dhinaca siyaasadda, dhinaca bani’aadamnimada iyo dhinaca arrimaha bulshada iyo Soomaaliya inay 20 sano kaddib ay noqtay meel nabad ah, arrintaasna mareykanku aad bay u taageereen” ayuu yiri madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in saxiixayaasha Roadmap-ku ay kulan kale ku leeyihiin, magaalada Nairobi, kaas oo looga hadlayo dhammeystirka howsha qabyada ah. Wuxuuna ka tacsiyeeyay dilkii loo geystay agaasimihii garoonka diyaaradaha ee Aadde Cadde oo kooxo hubeysan ay xalay ku toogteen magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta dowladda ee soo dhaweeyay madaxweynaha waxaa ka mid ah, ku simaha r/wasaaraha ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane C/raxiin Cabdi Abiikar, gudoomiyha gobolka Banaadir, Xilldhibaano iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa madxweynaha la socday Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud, wasiiru-dowlaha dastuurka Xasan Dheere iyo masuuliyiin kale.
Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia.






SHARIIF WAA YIMIDE ARMUU SOO CAROODEY,KOLEEY WAXAA JIRA WARAR SHEEGAYA IN XOOGAA UU XANAAQ UGA SOO BAXAY SHIRKII U SOCDEY KOOXDII SAAXIIBADI AHAA OO AY SHIRSANAAYEEN,
ARMEEY SHEEKADU U EG TAHAY TII C/LLAAHI YUUSUF KAL HORE KU DHACDEY OO WARQADA HOOSTA LAGA GALIYEY,SHIIKHANA ARMAAN INTII IN LAMID AH AFKA LOOGA SHEEGAY,WAR JIRAABA HEEE CAKAARUU IMAAN.
Salaama alykum, Ramadaan kariim dhamaantiin.
Waxaa wararka qaar sheegayaan in Madaxwayne ku sheegu uu shirkii caalamka iskaga soo baxay. Haday taas jirto, waa xiligii shabaab uu dib ugu biiri lahaa. Mida kale maxay ahaayeen soo dhawayntaan aan horay loo arag. Ugu danbayn, qabiil qaran ma noqdo, dhurwaana ma rabaayad ma noqdo.