Waxaa soo baxaaya warar sheegaaya in madaxweynaha dowladda TFG Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu ka carooday shirkii ay wada lahaayeen saxiixayaasha Road Map-ka, kaa oo ka dhacaayay magaalada Nairobi ee Caasimada wadanka Kenya.
Madaxweynaha waxaa la tilmaamay in markii uu yimid halkii uu ka dhacaayay shirka Saxiixayaasha Road Mapka uu ka waayay Gudoomiye Faroole iyo Ra’iisul wasaare Gaas, waxaana midaa ay keentay in uu daahsado, iyadoona uu sheegay in uu Muqdisho aadaayo iyadoona Mahiga uu isku dayey inuu celiyo balse uu diiday.
Dhanka kale waxaa jira warar sheegaaya in khilaaf uu ka yimid war kasoo yeeray Mahiga, kaa oo ku saabsanaa in dhamaan saxiixayaasha Road Map-ka ay isku mowqif noqdaan islamarkaana hal Musharax ay isku raacaan.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu dalbaday in la kala diro gudiga farsamo ee loogu tala galay inay isku uruuriyaan xubnaha ka mid noqonaaya baarlamaanka cusub balse taasi ayaa waxaa ka diiday xubnihii kale ee saxiixayaasha.
Intaasi ka dib markii madaxweynaha uu isaga soo baxay shirka waxaa halkii uu shirka ka dhacaayay gaaray ra’iisul wasaare Gaas iyo Faroole iyadoona shirka halkiisa laga sii amba qaaday.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Dhinaca kale waxaa maalinkii ugu horeeyay ee uu biloowday shirkaan saxiixayaasha qorshaha Road Map-ku uu shirku ku biloowday buuq iyo gacan ka hadal, kadib markii laba masuul oo ka wada tirsan Ehlu-sunno ay isku qabsadeen cidda meteli lahayd kuraasta loo qoondeeyay ururkooda, taasoo iyana qayb ka ah sababaha Sheekh Shariif ka carooday,maxaa yeelay Sheekh Shariif wuxuu jeebka ku watay liiska Saaxabadiisa ee Ehlusunno u mateli lahayd kuraasta Baarlamaanka cusub.