Muqisho, Somalia (AOL)- Odayaasha tiradooda gaareysa 135 xubnood ayaa maanta looga fadhiyaa inay kenaan Xildhibaanada baarlamaanka cusub ee Soomaaliya waxaana waqti kama dambees ah ay heestaan ilaa gelinka dambe ee maanta.
Gudiga farsamada ee arintaan loo xilsaaray ayaa sheegay in odayaashaan laga sugaayo inay soo gudbiyaan magacyada Oday waliba beeshiisa usoo dhiibatay ee noqoneysa xildhibaanka cusub, maanta wixii ka dambeeyana aan la qaban doonin magacyada.
Waxaa magaalada Muqdisho laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyada ay wadaan Beelaha qaar oo ay ku gudbinaayaan liiska ay ku qoranyihiin magacyada xildhibaanada Baarlamaanka cusub.
20 August waxaa la doonayaa in la helo dowlad dhameestiran sida in lasoo dhiso baarlamaan cusub oo gudoomiye doorta, ka dibna ay dhacdo doorashada madaxweynaha, iyadoona madaxweynaha uu ku dhawaaqi doono ra’iisul wasaare isna soo dhisa golahiisa wasiirada.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.