Sheekh Maxamed Aw-libaax oo kamid ah mas’uuliyiinta ugu sareysa Ahlu-sunna Waljameeca ayaa ka hadalay khilaaf soo kala dhex galay Ahlu-sunna kaa oo ku saabsan shirka dhawaan ka furmay magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya kaa oo ay wada leeyihiin madaxda saxiixday Road Map-ka
Khilaafkaan ayaa si gaar waxa uu ugu dhaxeeyaa C/qaadi Macalin Nuur iyo Aw-libaax, waxaana la isku qabsaday qofkii fariisan lahaa kursiga Ahlu-sunna ee shirka saxiixayaasha Road Map-ka ee Nairobi ka socda, waxaana Aw-libaax oo BBC u waramaayay uu sheegay in C/qaadir aanu ahlu sunna ahayn balse uu yahay la taliyaha Madaxweyne Shariif.
Dhanka kale Aw-libaax waxa uu faah faahin ka bixinaayaa sababtii maanta madaxweyne Shariif uu uga soo baxay shirka saxiixayaasha Road Map-ka.
Waxaa markaan soo baxaaya khilaaf baahsan misane ka dhaxeeya Lixda saxiixayaasha Road Mapka waxaana jira dadaalo uu Wadp Ambasador Mahiga oo khilaafka lagu xalinaayo.
Halkaan ka dhageyso Wareysiga BBC ay la yeelatay Sheekh Aw-libaax.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.