Ku: Hoggaanka dhaqanka ee Sade-Marreexaan
Ku: Guddiga farsamada ee soo xulidda xubnaha baarlamaanka
Ku: Guddiga khilaafaadka ee beelaha Soomaaliyeed
Ku: Wasaaradda Arrimaha Gudaha/Amniga
Og: Xafiisyada Ra’iisal-Wasaaraha/Wasiirka Maaliyadda
Og: UNPOS/IGAD
Og: Beesha Sade fadhiyadooda meel kasta oo ay joogaan.
Ujeeddo: Ka digid dhinac maridda nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka.
Waxaan ku war galinaynaa dhammaan hay’adaha kor ku xusan in beesha Sade- Marreexaan, ay dhinac marayso qaabka awood qaybsiga ee 4.5 taasoo saldhig u ah nidaamka soo xulidda xubnaha baarlamaanka. Waxaa qaybo ka mid ah hoggaanka dhaqanka ee beesha Marreexaan ay doonayaan in wax lagu qaybsado qaab goboleysi sida Gedo iyo Galgaduud, taasoo ka hor imaanaysa nidaamka roadmap-ka sida Garoowe I iyo Garoowe II, iyo heshiisyadii Gaalkacyo iyo Addis Ababa.
Waxaan soo jeedinaynaa in beesha Marreexaan hal miis oo waafaqsan nidaamka 4.5 wax loogu qaybiyo.
Sidoo kale waxaan ka digaynaa in wax lagu qaybsado nidaamkii hoogaamiye kooxeedyada ee Impakati taasoo qaar ka mid ah beelaha Marreexaan ay ku sad- bursadeen, ayadoo 60% beelaha Marreexaan lagu qadiyey.
Sidaas darteed, wax ku qaybsiga nidaamka gobolaysiga iyo qaabkii hogaamiye kooxeedyada (impakati) waxay horseedayaan in aan la helin xubno baarlamaan Marreexaan oo loo dhan yahay, si ballaaranna u matala qaybaha kala duwan ee bulshada Marreexaan sida ku cad qodobka 3aad, farqaddiisa 4aad ee borotokoolka xubnaha baarlamaanka cusub ee fedaraalka.
Shirkaan jaraa’id waxaa soo saaray beelaha hoos ku xusan:
1. Beesha Ciise War waajecle (Habar-ciise)
2. Beesha Reer Garaad
3. Beesha Reer Cismaan
4. Beesha Reer Siyaad Xuseen
5. Beesha Ina-Nuur
6. Beesha Soonfure
7. Beesha Reer Warsame Diini
8. Beesha Reer Cali Xuseen
9. Beelaha Baha-Guuleed
10. Beesha Reer Warfaa Diini
11. Beesha Reer Nuur Diini
12. Beesha Reer Maxamed Guuleed
13. Beesha Reer Sharmaarke Rooble
14. Beesha Reer Shirwac Diini
15. Beesha Reer Guuleed Faarax.
—————-
Ahmed Mohamed, Muqdisho/Somalia
samatar109@hotmail.com


reer sade Cjddjj Habaartay Manoola ceeba haysasa oo welba ay caalamka u bandhgeen waa cid aan towfiiq iyo talo lahayn waa cjd lala yaaban yahay jaahilnimadooda waa cid uu sede u eke soo hulaabtay u gacan gashay alle ayaa u maqan saadaashu mawanaagsana sida ay reer sade ku socdaan,
jifooyinka aad soo bandhigteen qaarbaan ahayn jifooyin ee hoostage jifooyin kale. wixii reer faarax ugaasa ah ha waynaado ama hayaraadee isku gee, kii wax qaataana matala. anaga oday shar nin dhalay jifo ha nooga dhigina.
SADE wuxuu ficii ka haray markuu isaga isreereebay waa dad walaala ah hadana cadow isku ah (WALAALO ISNECEB WEY XABAAL BADIYAAN} mareexaan dib ha isu eego meesha uu maanta yaalo isagaa isdhigay khaladaadka gudaha ka jira ee xiligii jaahiga dhacay si deg deg ah haloo saxo waana halka ay ka soo burqanayaan masiibooyinka isdaba jooga ah ee REER SADE ku socota mudooyinkan danbe ndad wax maqla alaha naga dhigo dhinaca danta guud hala eego dangaar meelna nama gaarsiineyso waad mahadsan tihiin RAMADAAN KARIIM MEEL AAD JOOGTAANBA (Adeec)