Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan iyo Xildhibaan Cali Xasan Deer oo dhawaan safaro kusoo kala bixiyay magaalooin ay ka mid yihiin Nairobi iyo Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxa ay warysi dhinacyo badan taabanaya kaga hadleen xaalada amni, maamul, siyaasad ee gobolka Gedo iyo gobolada Jubbooyinka.


Masawirka bidix waa Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden, kan midigna waa Xildhibaan Cali Xasan Deer.
Labada xildhibaan oo magaalada Nairobi ugu waramay wariye Maxamed Gaarane ayaa waxay sheegeen in xaalada amniga ee gobolka Gedo ay hadda la mid tahay tan gobolada Puntland iyo qeybaha kale ee dalka oo uu amaanka buuxa ka jiro marka laga reebo goobo ay sheegeen inay wali ku sugan yihiin Alshabaab.
Xildhibaanadan oo wax laga waydiiyay ujeedooyinka safarkooda iyo waxa ay kala socdaan dadaalada ay ku doonayaan in ay maamul ugu sameeyaan gobolada Jubbooyinka iyo aayahooda siyaasadeed kaddib marka baarlaamka cusub lasoo magacaabo iyadoo ay goolaaftan kula jiraan rag kale oo beelaha ay u dhasheen kasoo jeeda islamar ahaantaasna doonaya in ay baarlamaanka cusub soo galaan ayaa waxaad wareysigooda oo dhamaystiran kala socon kartaan linksyada hoose.
Halkaan ka dhageyso wareysiga Labada Xildhibaan oo dhameystiran.
Hoos ka daawo Qeybta Koowaad ee Video-ga wareysiga Xildhibaanada:
Hoos ka daawo Qeybta Labaad ee Video-ga wareysiga Xildhibaanada:
Mohamed Garane, Nairobi/Kenya.

dhanti waxaan soo jeedin lahaa in la taageero nimabkani dabcan way dagaalameen,sidaa daraadeed ayagaa mudnaanta leh
Well done allgedo aad baan ula dhacay barnaamijkaan oo ah mid aan wax badan sugaynay xildhibaanada dharafta lehna waa ku mahadsan yihiin sida wanaagsan ee ay usoo ban dhigeen rayigooda waana mid aan ku taageersanahay in wadanka gudahiisa lagu dhiso maamulka ,waxaan sidoo kale ku teegeerayaa si cad ee ay u sheegeen in gobalkan taladiisa ka go’do raga xoreeyey ee dhiigooda u huray qurba joog wareersana meeluu wax gayn karaa aysan jirin ,mid labaad xildhibaan maxamuud waxaan ku taageerayaa kataasulkiisa koonfur galbeed waayo mahan wax suuro gali kara xiligan marka waxaan lee yahay ku dedaal in dadka aad hogaamiso ay ka helaan waxay ka mudan yihiin maamulka jubaland ,awooda jubaland ee laffilayo inay dowlada dhaqan galiyaana waa maamulka gedo ee aad hogaamiso iyo jabhada raaskambooni waxaan kale kasoo qaad maleh marka inaad la xaajootana iyaga si toosa oo aad mowqif midaysan gudaha ka kerntaana waa mid meeshu kirto hadiu ay suuro gal tahay.Waad salaaman tihiin.
guul ayaan leeyahay waa rag sumcad ku leh bulsha reer gedo taarikha ayaa xusi doonta
wan tagersnahay xildhibaanadan cml
Xildhibanad wan tagersanahay wanakufaraxsanhay sida ay udifacen gedo o runti markat takto magaloyinka sida garbaharey doolow luuq iyo baled xawo waxa kusojidanaya sida wanagsan e cidamada dowlada ey uga holwgalayan madama hayadaha samafalka si nabad galya ah ey ubixinayan deqaha bili adanimo{humanitarian aid} runti rer gedo waxan kulatalin laha iney tagera buxda lagarab istagan cidamada dowlada iyo kuwa ahlusuna maadama ey yihin dhalinyaradi gobolka udhalatay o udubtay sidey dadkoda iyo dalkoda uxoreyan waxana arintas sabab u ah masuliyintan kala ah maxamud sayid adan cali xasan der maxamad cabdi kalil sh.maxamad ow-libax iyo kuwa farabadan on inta kusokobi karin magacyadoda e waxan leyahay xildhibanadan waxey uqalman in marlabad loso magacabo xildhibanimo madama ey dhawacmen o ey urafaden halka kuwa hada musharixinta ah ekale ey iskabashalayen muqdisho iyo nairobi e talada iyo mamulka gobolka wuxu kagoa masuliyin kor kuxusan hadanan indhaha laistireyn waxa sidokale aman mudan gudomiyasha degmoyinka sida baled xawo luuq dolow iyo garbaharey sida wanagsan o ey usugen amniga degmoyin masulka ey kayihin
asc waad mahadsantihiin marka hore bahda allgedo runtii waa wax la ingaaka baah naa hoowshaan waxaana filaayaa inaad sii wadi doontaan oo siyaasiyiinta beesha iyo figradooda meesha ku soo bandhigi doontaa iyo dhamaan arimaha Gobalka gedo runtii qurba joogta aad beey ola dhaceen barnaamijkaan marka waxaan codsan lahaa inaad soo bandhigtaan markasta maamada uusan gobalka layn tv la arko wax yaabaha ka jira bal fadlan isku dayo inaad adinga soo bandhigtaan ama soo gudbisaa mahadsanidiin
Bismilaah, Illaah baa mahad leh. Waxaan ku talinlahaa in xaqdhowrka iyo cid walbo mudnaanteeda aan laga leexan. xildhibaanada ku sabray dhibaatada badan iyo colaada muddada dheer ku soo jiray , waa in la dhowraa hogaankooda iyo sharafkooda. qurbajoogta waa kuwii had iyo jeer ka fikirayey dadkooda nolashooda oo taakuleenayey, markaa hadaad eekto gobolada maamulada ka hirgaleen wey iswataan dadkooda gudaha iyo qurba joogta. isku duubni iyo wax wada qabsi ayeey danta guud ku jirtaa.miyeeynaan isla yaabeeynin goboladayada iyo dadkeena sida ay u danbeeyaan. oo nalooga hormaray. alloow tadada na waafuji. aamiin