Home » Archive Daily August 6th, 2012

Ra’iisul wasaraha Soomaaliya oo Caawa Afur Sharaf U Sameeyey Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed (Sawiro)

Aug 6, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Caawa Afur Sharaf u sameeyay Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana Afurka kasoo qeybgalay Golaha Wasiiradda, xildhibaano, suxufiyiin iyo marti sharaf kale. Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka ahna Wasiirka Ganacsigga ayaa hadal kooban u jeediyay Odayaasha Dhaqanka isagoona ku amaaney sidii ay... 

Faah faahin dheeri ah oo ku saabsan dibad baxii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho (DHAGEYSI & SAWIRO)

Aug 6, 2012
Maanta magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay banaanbax balaaran oo loogu dabaal degaayay sanad ka hor markii Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Muqdisho. Banaanbaxaan waxa uu ka dhacay gaar ahaan Garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ka mid yahay Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale wasiiro, saraakiil, dadweyne aad u badan iyo madax... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay (Sawiro)

Aug 6, 2012
Muqdisho, August, 06, 2012- Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga ee  Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya kaa  oo ay isugu yimaadeen Saxiixayaasha Roadmap-ka. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan... 

Shirkii saxiixayaasha Road Mapka oo soo dhamaaday iyo qodobo la isla gartay.

Aug 6, 2012
Magaalada Nairobi ee dalka Kenya maanta waxaa kusoo gaba gaboobay shirkii saxiixayaasha Road Mapka ee ay ku lahaayeen magaalada Nairobi dalka Kenya, waxaana la isla gartay qodobo dhowr ah. Shirka ayaa maalin ka hor ka bilawday halkaasi, waxaana uu ahaa mid dhaliyay muran aad u xoogan oo keentay in madaxweyne Shariif uu kasoo caroodo shirkaasi. Hadaba marka laga reebo madaxweynaha dowladda TFG ayaa... 

WAR DEG DEG: Dibad bax uu ka qeyb galaayo madaxweyne Shariif oo ka socda Magaalada Muqdisho

Aug 6, 2012
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dibad bax balaaran oo uu ka qeyb galaayo madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sh. Axmed, waxaana dibad baxa uu yahay mid loogu dabaal degaayo sanad ka hor ka bixitaankii Al-shabaab ee Muqdisho. Dibad baxa ayaa ka socda Stadium Konis ee magaalada Muqdisho waxaana ku sugan Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka Muqdisho ay ka kooban tahay, iyo sidoo kale... 

Dagaal culus oo xalay ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Aug 6, 2012
Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda TFG oo garab ka helaayay kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab oo dhan ah ayaa xalay ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool iyadoona dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan. Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa sidii looga bartay waxay weerar ku qaadeen xarun ay degmadaasi kaga sugnaayeen ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Itoobiya waxaana dagaalka ka dhashay qasaare dhimasho iyo... 

Sanad ka hor maanta oo kale oo ku beegan maalintii Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Muqdisho.

Aug 6, 2012
Maanta oo kale sanadkii 2011 bishii August 6-deedii Xarakada Al-shabaab ayaa waxay isaga baxeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dib markii uu ku xoogeestay weerarada ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM. Afhayeenka Xarakada Al-shababa Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sanad kahor maanta oo kale warbaahinta u sheegay in ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay... 

Maamulka Somali Central State (SCS) ayaa deeq raashin ah oo ka timid Hay’ad turkish ah qeybiyay (Sawiro)

Aug 6, 2012
Deeqdaan ay maanta qaybiyeen maamulka baramaha Soomaaliya ee SCS ayaa ka dhacday xarunta maamulkaasi oo ku taala xaafada Kowda Luulyo, waxaana deeqdaan ay ka timid hay’ad ka shaqaysa wadanka Turkiga oo lagu magacaabo IGMG HASENE taasoo soo marsiiyay Maamulka Somali Central Stare. Raashinkaan maanta uu qaybiyay maamulka SCS ayaa waxaa uu ka koobnaa Bariis, Baasto, Bur, Sonkor iyo Saliid waxaana...