Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda TFG oo garab ka helaayay kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab oo dhan ah ayaa xalay ka dhacay degmada Xudur ee gobalka Bakool iyadoona dagaalka uu ahaa mid aad u xoogan.
Ciidamada Xarakada Al-shabaab ayaa sidii looga bartay waxay weerar ku qaadeen xarun ay degmadaasi kaga sugnaayeen ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Itoobiya waxaana dagaalka ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.
Gudoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macalin oo warbaahinta la hadalay ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen rag ka mid ah Al-shabaab kuwo kalena ay ku dhaawaceen.
Dhanka kale saraakiil u hadashay Al-shabaab ayaa iyana sheegay inay dileen ciidamo Itoobiyaan u badan ayna ka qaateen saanado Milatari waa sida ay yiraahdeen saraakiisha Al-shabaab.
Xaaladda degmada Xudur maanta waa ay degantahay, laakiin waxaa inta badan degmadaasi ka dhaca dagaalo sidaan oo kale u dhex mara ciidamada Al-shabaab iyo kuwa dowladda TFG.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Waalarabaa haa lagubo yuhuuda iyo nasaaradaba