Home » News »

Maamulka Somali Central State (SCS) ayaa deeq raashin ah oo ka timid Hay’ad turkish ah qeybiyay (Sawiro)

Deeqdaan ay maanta qaybiyeen maamulka baramaha Soomaaliya ee SCS ayaa ka dhacday xarunta maamulkaasi oo ku taala xaafada Kowda Luulyo, waxaana deeqdaan ay ka timid hay’ad ka shaqaysa wadanka Turkiga oo lagu magacaabo IGMG HASENE taasoo soo marsiiyay Maamulka Somali Central Stare.

Raashinkaan maanta uu qaybiyay maamulka SCS ayaa waxaa uu ka koobnaa Bariis, Baasto, Bur, Sonkor iyo Saliid waxaana ka faa’iidaystay dad farabadan oo isugu jira Curyaamiin, Indholayal iyo dadka dhimirka ka jiran ama waalan.

Wasiiru Dowlaha Aqalka Madaxtooyada Maamulka Somali Central State Marwo Cadar Jaamac Xalane ayaa u sheegtay warbaahinta in loogu tala galay raashinkaan dadka masaakiinta ah in loogu farxiyo Bisha Barakaysan ee Ramadaan waxaana a sheegtay in deeqaan ay siiyeen dadka aan awoodooda wax ku qabsan karin.

Cadar jaamac ayaa intaasi ku dartay in maamulku uu joogtayn doono hadii ALLE idmo howlaha la xariira caawinta iyo gacansiinta dadka danyarta ah waxaana ay sheegtay in maaulku Somali Central State ay aad ugu Mahad celinayaan Dowlada Turkiga oo dadaal ugashay caawinta iyo ugar gaarida walaalahooda soomaliyeed. Waa gar gaargii ugu horeeyay oo ka yimaada dowlada turkiga oo soo gaara gobolada dhexe tan iyo intii dowlada Turkigu ay bilawday caawinta iyo usamaalka dadka Soomaaliyeed.

Madaxda Baamulka Bartamaha Somaliya ayaa horay u sheegay in ay ku dadalayan sidii ay ugu howlgali lahaayeen caawinta iyo ugargaarinta dadka gobolada dhexe taasoo keentay in maamulku uu daddaal ugalo sidii ay caawimaad u heli layaayeen dadka Gobolada dhexe.

Ugu Dambayn imaatinka raashinkaan ayaa la xariiyra kulan magaalada Muqdisho ku dhex maray Saiirka Dalka Turkiga iyo Madaxwaynaha Maamulka Somali Central State Mudane Maxamed Xaashi Cabdi.

Halkaan ka daawo masawiro kale.

———–
C/kariin Axmed Bulxan, Caabudwaaq/Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.