Home » News »

Sanad ka hor maanta oo kale oo ku beegan maalintii Al-shabaab ay isaga baxeen magaalada Muqdisho.

Maanta oo kale sanadkii 2011 bishii August 6-deedii Xarakada Al-shabaab ayaa waxay isaga baxeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dib markii uu ku xoogeestay weerarada ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Xarakada Al-shababa Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sanad kahor maanta oo kale warbaahinta u sheegay in ay isaga baxeen magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in kabixitaankooda ay tahay mid xeelad ah.

Sidoo kale ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM ayaa bilaabay wixii markaasi ka dambeeyay inay isku sii fidiyaan magaalada Muqdisho, iyadoona muddo sanad ah ku gaaray gobalada Shabeelooyinka.

Sanad kahor magaalada Muqdisho waxay ahayd mid xir xiran, bur bursan, dhiig badan uu ku daato, iyadoona dowladda TFG ay ku sugneed oo kaliya wax ka yar 5 degmo, waxaana inta kale maamulaayay Al-shabaab.

Hase yeeshee Muqdisho ayaa isbedashay sanad gudahiisa, dadkii oo dhan waxay ku wada laabteen guryahoodii, waxaa dib u dhis lagu sameeyay daarihii bur bursanaa, iyadoona magaalada ay dib ugu soo laabteen dadbadan oo Soomaaliyeed oo muddo 20 sano ah dalkii ka maqnaa, waxaana sidoo kale magaalada ay noqotay mid ay yimaadaan madaxda caalamka qaarkeed.

Si kastaba ha ahaatee sanadkaasi inta lagu guda jiray Al-shabaab kaliya Muqdisho kama aanay bixin waxaa kaloo laga saaray Xarakada Al-shabaab deegaano ka mid ah gobalada Soomaaliya sida Bay, Bakool, Gedo iyo Jubada Hoose.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.