Ciidamada dowladda TFG oo kaashanaayay kuwa Kenya ayaa maanta ku siqay dhanka magaalada Kismaayo ee gobalka J/hoose, waxaana ay la wareegeen gacan ku haynta deegaan 90 KMG magaaladaasi u jira.
Ciidamadaan oo ahaa kuwii horay uga soo dhaqaaqay dhanka degmada Afmadoow ayaa maanta la sheegay inay weerareen deegaankaan ay qabsadeen oo Al-shabaab horay ay u joogeen, waxaana ciidanka Al-shabaab la sheegay inay di u gurasho sameeyeen iyaga oo fariisn weyn ka dhigtay deegaanka Birta dheer oo qiyaastii 60 km u jira Kismaayo.
Weerarka ay ciidamada dowladda TFG kula wareegeen deegaankaan majirto wax qasaare ah oo ka dhashay, laakiin saraakiisha dowladda ayaa sheegaaya in maalmo kooban ay ku qaban doonaan gacan ku haynta guud ee magaalada Kismaayo.
Maalamahaan oo dhan ciidamada dowladda TFG iyo kuwa Kenya waxay kusii siqaayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose, waxaana cabsi daran ay heesaa shacabka reer Kismaayo oo dagaalo ka baqaaya.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.