Magaalada Muqdisho waxaa maalmahaan lagu soo daabulaayay ciidamo Booliis oo kamid ah AMISOM kuwaa oo ka socda wadanka Uganda si ay uga qeyb qaataan amaanka Soomaaliya.
In kastoo aysan ciidamadaan tiro badneen hadana waxa ay hor dhac u yihiin ciidamo kale oo Booliis AMIOSOM ah oo laga kala keenaayo dalalka Negiria Sera Leone iyo Jabuuti, waxaana ciidankaan ay ka howlgali doonaan saldhigyada Booliiska ee Muqdisho.
Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in ciidankaan Booliiska sidoo kale ay ka qeyb gali doonaan qorshaha AMISOM ay u dejisay in lagu sugu amaanka halka lagu wado in lagu qabto Doorashooyinka madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamadaan Booliiska AMISOM waxaa aad usoo dhaweeyay Taliska Booliiska dowladda TFG oo sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan amaanka magaalada Muqdisho oo maalmahaan aad looga deyrinaayay.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.






comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.