Home » News »

Dadweyne taageersan Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta dibad baxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, iyo sawirada Farmaajo oo gaadiidka lagu xardhay.

Dadweyne taageersan Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho waxay ka sameeyeen dibad bax aad u xoogan oo ay ku dalbanaayaan in madaxweyne loo doorto Farmaajo.

Dadkaan ayaa galabta saacado badan xiray wadada Makka Al-mukarrama ka dib markii ay soo buux dhaafiyeen boqolaal dadweyne ah oo aad u wada qiireesan.

Hooyo magaceeda ku sheegtay Mulka Xasan Warsame oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay i Farmaajo cid u dhiganta aysan arkeen iyadoona intii ay hadalka wadatay ilimo ay ka soo daatay ayaa hadana waxay tiri.

“Maanta ilaahay baan ku dhaartee ma jirto cid nasoo abaabushay ama cid isku soo baxa na dhahay, guryaheena ayaan joogi weynay hadaan reer Muqdisho nahay markii aan maqalnay in uu Farmaajo soo socda beri, Farmaajo waxa uu la mid yahay caruurteeda, waan jeclahay Farmaajo, maanta waan soo manahay waxaan ilaahay ka baryaa in qeyr qabe Farmaajo uu madaxweyne noo noqdo”

Sidoo kale dadka oo dhan ayaa waxay kuu sheegayaan in Farmaajo uu yahay nin wax gal ah misane aan aqoon kala sooc iyo qabiil sidaa darteedna ay ku dalbanaayaan inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya ee dhawaan la dooran doono.

Dhanka kale maanta magaalada Muqdisho meel walba oo aad marto waxaad ku arkeysaa sawirada Farmaajo oo darbiyada magaalada lagu hardhay iyo sidoo kale gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa dadweynaha in taba.

Sidoo kale magaalada oo dhan waxaa kusoo wareegaayay raxan dhalinyaro ah oo wata Mootooyin ku sawiran Farmaajo iyo funaanado, waxaaba intaasi kasii daran markii aynu aragnay gaadiidka dagaalka ee dowladda oo qaarkood sawirada Farmaajo lagu dhejiyay.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Dadweyne taageersan Maxamed C/laahi Farmaajo oo maanta dibad baxyo ka dhigay magaalada Muqdisho, iyo sawirada Farmaajo oo gaadiidka lagu xardhay. "

  1. Afii Cade says:

    Asc inta wanaga jecel waxan aad u tagersanahay Riyadeyda Alle ha iirumeeye aqonyahanka sare mohamed C/laahi Farmaajo waxan leeyahay somaliyey meel kasta ood joogtan codkiina siiya