Xarakada Al-shabaab ayaa xalay weerar xoog leh waxay ku qaaday Hoyga gudoomiyaha dowladda TFG ee deegaanka Lambar 50 Cabdi Cali Xasan iyadoona gudoomiyaha weerarkaasi uu ku geeriyooday.
Ciidamada ilaalada u ahaa gudoomiyaha ayaa isku dayey inay difaacaan hase ahaatee ciidanka Al-shabaab oo aad u badnaa ayaa gabi ahaanba jiiray ilaaladii iyagoona gudaha u galay hoygiisa ka dibna halkaasi ku dilay gudoomiyaha.
Maamulka gobalka Sh/hoose ee dowladda TFG ayaa u sheegay warbaahinta inay ku raad joogaan ciidamada Al-shabaab ee xalay dilay gudoomiyaha deegaankna Lambar 50, iyagoona rajo ka muujiyay in ragaasi ay soo qaban doonaan.
Deegaanka Lamabar 50 dhawaa dagaal waxaa kula wareegay ciidamada dowladda TFG iyo kuwa AMISOM, waxaana halkaasi horay u maamuli jiray ciidamada Xarakada Al-shabaab.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.