Madaxweynaha dowladda TFG Shariif Sheekh Axmed ayaa degmo ka dhigay deegaanka Ceel Baraf ee gobalka Sh/dhexe ka dib wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa wareegtadiisa ku sheegay in baahi badan ka dib oo loo qabo in degmo laga dhigo Ceel Baraf ay ogolaadeen waxaana wareegtadiisa u qorneed sidan.
Madaxweynaha J.S
Markuu Arkay: Qodobka 39-aad farqadda 1-aad Xarafka “a” iyo farqadda 2-aad ee isla qodobkan ee axdiga FKMG Ah.
Markuu Arkay: xeerka Lr 6 ee 12 Feberaayo 1980.
Markuu Arkay: Warqadda Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amiga Qaranka Lr WAG& AQ/468/12 ee July 20-2012 kuna saabsan soo jeedin magacaabid Degmo.
Wuxuu soo saray Xeerkan Soo Socda.
Qodobka 1-aad
Waxaa la ogolaaday in Ceel Baraf oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe loo aqoonsado Degmo laga Bilaabo Maanta oo ay taariikhdu tahay 22 July 2012.
Qodobka 2-aad
Xeerkan wuxuu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saaray faafinta rasmiga ah ee dowladda.
Degreetada ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Muqdisho, Soomaaliya.


Degmooyinka la maga caabayo waa idoorta toloow…….inta degmooyin uu magacaabay 90 % waa tolka……..
Waxaa jira degmooyin badan oo u baahan in la’ictraafo lakin qabyaalad daraadeed ayuu u xaniban yihiin
Salama calykum,Remadaan kariim,
Maxay tarysaa degmo lamagacaabo, 250 xildhibaan kusheegana ee Cumar Geele Jabuti (Dictatorship) way soo dhamaatay. Inkastoo diktatorska Uganda iyo Etheopia ay doonayaan shaqsiyaadka noo caan oo kale ah.