Home » News »

Maxay tahay hadal heenta Reer Muqdisho ee ku saabsan doorashada Madaxtinimo iyo cida ku guuleesan karta (WARBIXIN)

Dhawaan Muqdisho waxaa la filaayaa inay ka dhacdo doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo musharaxiin badan ay u taaganyihiin, waxaase dhanka kale jirta hadal heen iyo saadaalin ay Afka ku hayaan dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Marka aad tagto meelaha badi ay isugu yimaadaan shacabka ayaa waxaa ka jira waxa loo yaqaano fadhi ku dirir iyo wax la mid ah, waxaana reer Muqdisho ay mar walba afka ku hayaan in xilka madaxtinimada uu qaban doono Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Marka aad weydiiso sababta ay sidaa u dhahayaan qaarkood waxay kuu soo bilaabaayaan taariikh farmaajo uu dalka kaga tagay ee ahayd 6-dii bil ee uu xilka haayay waxaana ay kuu sheegayaan waxyaabaha hadda dowladda u hirgalay sida dastuur sameenta, Amaanka, guulaha dowladda dhamaan inay yihiin beertii uu falay Farmaajo.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxay sheegayaan hadii ay lahaan lahaayeen awood ay ku codeeyaan misane Sanduuq cod lagu rido inay ugu shubi lahayeen Farmaajo, waxaana dhanka kale ay tilmaameen in ninkii dalka 6 bil wax kaga qabtay Afar sano hadii uu qabtana la filaayo in Soomaaliya ay kusoo laabato 21 sano ka hor sida ay ahayd.

Dhanka kale waxaa jira Musharaxiin aad u badan oo qaarkood siyaasadda aan horay loogu arki jirin iyo kuwa aad loo yaqaano oo qaarkood hadda xilka haaya sida Madaxweynaha dowladda TFG iyo Ra’iisul wasaarihiisa, waxaa sidoo kale meesha ku jira siyaasiga C/laahi Axmed Cadoow.

Inkastoo wax la saadaalin karo laakiin lama oga cida nasiibka u yeelan doonta inay noqoto madaxweynaha Soomaaliya ee Afarta Sano ee Soo socota, waxaana wax walba la ogaan doonaa markii ay doorashada dhacdo.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

5 Jawaabood " Maxay tahay hadal heenta Reer Muqdisho ee ku saabsan doorashada Madaxtinimo iyo cida ku guuleesan karta (WARBIXIN) "

  1. Abdi says:

    midka ogu roon alaha kuleysiyo

  2. mohamed says:

    Ciid ka mudan uma jeedo xaqiiqdii hadan,runsheegeyno.in u noqdo madaxweyne Mohamed Abadullahi Farmajo.wayo waax badan ayu ka qabtay
    dalka 6dii bilood u xilka hay.w.towfiiq

  3. dieta says:

    Wasiirka Arrimaha Bulshada,Shaqada,Shaqaalaha,Dhalinyarada iyo Sportiga Soomaaliya Mudane Maxamuud Jirde Xuseen oo isna dhankiisa kulanka ka hadlay ayaa Dowladda Britain uga mahad celiyey kaalintii ay ku lahaayeen in ciyaartooy meteleysa Soomaaliya ay ka qeybgalaan tartanka Olombikada Aduunka ee London ka soconaya waxaana uu dhanka kale Wasiirku xusay inay shacbiga Soomaaliyeed fursad u tahay ballan qaadka Dowladda Britain ee ku aadan hormarinta Sportiga Soomaaliya.

  4. hasiim says:

    masha allah farmaajo waa musharax fiican lkn sxbkiis abdiwali gaas kama liito runtu waa wax fiican wax weyna waa qabtey marka kii soo baxa waa kii kale raga yaan lakala jecleysan sanadka maanta.

  5. ali jebiye says:

    FARMAAJO WAA HALYEEY HORMUUD UNOQONKARA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYA WAA HALYEEY HORE LOOGU LIIBAANEY EE SOOMAALAAY EE SOOMAALAAY SIXIROOLE SAKIIN BAA KASEREEYEE RABIGIINA KAYAABOO RASH KAAS AAN KA XOROWNO SOODHAWOOW FARMAAJO WAAN KUDOORANAYNAA INSHA ALAAH FFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFFARMAAJO WAA MUJAAHID NADIIFA OO DALKIISA UBOOYA ILAAHAY AMARKIISE SOOMAALAAY SAXIRIINTA SAKIINBAA KASEREEYEE RABSHKAAS AAN ISKA TUURO