Warar goor dhaw soo baxay ayaa waxay sheegayaan in magaalada Muqdisho maalinta beri ah uu kusoo wajahanyahay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo isagoona haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.
Gudiga qaban qaabada soo dhaweynta Farmaajo ayaa warbaahinta u sheegay in beri uu imaan doono Farmaajo oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Soomaaliya inay qabtaan, waxaana dhanka kale magaalad laga dareemayaa qaban qaabada loogu jiro in soo dhoweyntiisa.
Dhanka kale shacabka Muqdisho ayaa doonanaaya Sawirada iyo funaanado lagu soo buufiyay Muuqaalka Farmaajo si ay beri usoo dhaweeyaan Farmaajo, waxaana maanta meel la kala istaago laga la yahay halka xarunta u ah xisbiga Tayo shacabka oo buuxiyay awgiis.
Si kastaba maalinta beri ayaa la wada sugaayaa in Farmaajo uu Muqdisho yimaado, waxaana aad loo sugayaa amaanka guud ee magaalada maalita berito ah.
Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Shacabka reer muqdisho waxay ku mahadsanyihiin qalbiga furan oo ay tusaayaan shaqsi kasto oo wadani ah sida farmajo.thanks very much indeed keep it up
Asc. Farmaajo runtii wuu kahabonyahay in latagero xilkan u qabto, marka waa in magalo kasta bananbaxyo lagu tagerayo laga dhigo. Nafi cidii uroon raacday