Home » News »

Qarax maanta ciidamada Itoobiya lagula eegtay magaalada B/weyne iyo ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku dilay magaaladaasi.

Ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne ayaa maanta lala eegtay qarax Miino oo dhulka lagu aasay, waxaana qaraxa ka dib ciidamada Itoobi ay dileen dad shacab ah.

Qaraxaan ayaa la ogeen qasaaraha rasmiga ah uu ugeestay ciidamada Al-shabaab laakiin markii ciidamada Itoobiya qaraxaan lala eegtay ayaa la tilmaamay inay weerar ku qaadeen xaafadaha shacabka ay deganyihiin iyagoona dilay 4 qof oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada Itoobiya ay xabsi u taxaabeen in ka badan 20 qof oo dhalinyaro u badan, waxaana dadka ku dhaqan magaalada B/weyne soo wajahay wal wal aad u xoogan.

Maamulka gobalka Hiiraan wax faah faahin ahi kama aanay bixin qaraxa iyo dadka shacabka ah ee ay dileen ciidamada Itoobiya, laakiin magaalada B/weyne ayaa qarax sidaan oo kale waxaa lagula eegtaa ciidamada Itoobiya, waxaana sidoo kale ciidamada Itoobiya ay u dilaan dad shacab ah.

Cumar Cali Maxamed, Muqdisho, Soomaaliya.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Qarax maanta ciidamada Itoobiya lagula eegtay magaalada B/weyne iyo ciidamada Itoobiya oo dad shacab ah ku dilay magaaladaasi. "

  1. SHARIIF says:

    Itoobiya ma waxaa loo maleeyay soomalidii la iska dilaayay oo hadana lala sheekaysanaayay oo iska qoslaysay. ka xaaxaabiya