Muqdisho, Muqdisho (AOL) - Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay mudo sanad ah kaddib.
Mudane Farmaajo iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga C/xakiin FIQI iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.
Mudane Farjaamo marka uu soo degay kadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Musharaxnimadiisa.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dalka dib ugu soo laabto mudo sanad ah kadib, Wuxuuna tilmaamay in uu qeyb ka yahay Musharixiinta dalka”.
Wuxuuna sheegay in uu ugu horeyn u mahadcelinayo Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed sida ay u Ansixiyeen Dastuurka dalka balse ugu baaqay iney soo xulaan Barlamaan Tayo leh oo dalka u horseeda hormar.
Sidoo kale wuxuu mahad ballaaran u diray Ciidamada Qalabka Sida sida geesinnimada leh oo ay Kooxaha Nabad diidka ah ee Al-Shabaab ugu xoreeyeyn qeybo ka mid ah ka oo ay ka mid tahay Caasimada Muqdisho ee Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Mudane Farmaajo ayaa sheegay inuu ka warhaayo in ciidamada Xoogga dalka iyo Shaqaalaha dowladda ay in mudo 5 bilood ah aysan wax mushaar ah qaadanay uguna baaqay Madaxda dowladda iney bixiyaan Mushaaraadka Ciidanka iyo Shaqaalaha madaama ay tahay Bil Ramadaan oo ay ilmahooda ugu ciid gataan ayuu yiri.
Halkaan ka dhageyso Hadalka Maxamed C/laahi Farmaajo
Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
daacadtech@gmail.com
Tell: +252 615 244689
—————————–
Hoos ka daawo Warbixin TV-ga Somali Channal uu ka diyaariyay Farmaajo Socdaalkiisa.
Masawirada hoose midka aad rabto in aad daawato dushiisa Guji si uu kuugu weynaado.


















I WISH PEOPLE WERE ABLE TO VOTE.
Mcfarmaajo waa musharaya kali ee uqalmo madaxweynaha j somaliya waxaana la odhan kara waa halyaayga kali ee soomali kusohadhay
farmajo waa dacaad wanu u qaalma madaxweyne haa noolaado farmajo guul ayan kurajaynaya dacadoow raadkaagu wali hajiro cafimaad ayan kurajaynaya mudane farmajo
Farmaajo ha ogaado Xabbadda taageereyaashiisa ku dhacday iney tahay mid isaga ku dhacday,shariif axmed,carab ciise iyo C/samad macallina ha ogaadaan in ummadda Soomaaliyeed ayan iloowi doonin dunuubta aad ka gasheen mar uunbayna idinkula xasaabtami doontaa.